Muqdisho, july, 29, 2010,(SOMINA)- Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho,Shir aan caadi aheyn o ay isugu yimaadeen xubno iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Midnimada iyo jamhuuriga Somaliyeed uuna shirgudoominayey ku xigeenka gudoomiyaha xisbiga Midnimada jamhuuriga loga arinsanayey u diyargarowga loogu jiro munaasibada xuska sanadguurada 12 aad ee ka soo wareegatay aasaskii xisbiga iyo dooarashadii ay madaxweyne u doorteen taeerayashiisa madaxweynaha haatan talada xisiga haaya ee Cabdinuur Axmed Darmaan oo ku began 06/08/2010
Xuska maalinta asaaska xisbiga Midnimada jamhuuriga oo ah xisbiga siyasadeed ee dalka ka jira ayaa loogu tala galay xaflada in ay ka dhacdo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Hadaba warxino laga dhageystay qaar ka mid ah xubnaha xisbiga iyo mas’uuliyiin dhood dheer iyo falanqeyn ka dib ayaa laga soo saaray hadal saxaafada loogu tala galay oo warbaahinta gudaha iyo dibada loo qeybiyey oo ay ku muujinayaan doorka ay cidamada shisheeya ee dalka in la geeyo loo qorsheyey ayaa waxaa ka mid ahaa iyada oo uu saxaafada u aqriyey ku xigeenka xisbiga Midnimada jamhuuriga SOmaliyeed Warsaxaafadeed Md Cali Maxamed Nuux ( Cali Tima Jilic ) .
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Midnimada jamhuuriga Somaliyeed Md Cali Maxamed Nuux ( Cali Tima Jilic ) oo warsaxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyey duqeymaha ba.an oo magaalada Muqdisho u geysanayaan Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM kuwaas oo duqeeyey guud ahaanba magaalada Muqdisho inta yare e ay ku sugan yihiin marka laga reebo .
Jilic ayaa hadalkiisa ku darey in Xisbigoodu uu canbaareynayo duqeymaha iyo xasuuqa loo heysanayo dad rayid ah oo ku sugan guryahooda gaar ahaan buu yiri dadka Magaalada Muqdisho ku sugan wuxuuna ku tilamaamay arintaas in ay tahay mid xadgudub ku ah dadka somaliyed iyo qawaaniinta adunka .
Dad guyahooda ku jira xili saq dhaxe ah ayaa habeen kasta iyo maalin kasta madaafiic lagu duqeeyaa waxaana saacad kasta ku dhac aan madaafiicda BIIEMKa iyo hoobiyaha waxaana arintaa raali ka ah oo wata inyar oo xakuumada ah
Rabitaanka Shacabka Somaliyeed ayuu ku shegay in ay tahay ugu horeyntii in ay ka xoroobaan dhinacayada maamulka ,dhaqaalaha ,siyasada,amaanka ,waxbarashada ,si ay u helaan waxkasta oo noloshooda kaabi kara si ay aayhooda uga tashadaan dhaxdooda uga soo baxo Hogaankooda .
Gudoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in wadamada Africa qaarkood ay ka jiraaniin kacdoono ka soo horjeedo falsafada ay qaateen madaxda Africa qaarkeed wuxuuna ku macneeyey in ay tahay arin aad iyo aad u qaldan .
Cali Tima Jilic “waxaan wada Ogsoonahay in Africa mar hore laga faaiidaystay xoogeeda laguna dhisay America waxaan kaloon ogsoon nahay in markale laga faaiidaystay Africa oo kheyraadkeedii iyo hantideedii lala baxay ayna qaateen dowladaha yurub iyo mareykan “wuxuuna sheegay in manta dalka Somaliya uu tagan yhay meel ka xun maalmahaa .
Waxaan ka xunahay in marsadaxaad Africa iyada la isu adeegsado oo ay danmoodaan Hogaamiyeyaasha Africa in wadamada amreykan iyo yurub ay leeyihiin ciidamada Africa ee dilka iyo xasuuqa ka geysanaya ama iyaga lagu dilayo waa in aysan noqonin kuwo ka socdo wadamada reer yurub iyo maraykna taa bedelkeedana ay adeegsadaan lacago doolar ah iyo hub iyo saanad si ay Africa isugu burburiyaan gacmaheeda arintaas oo u eg mid la kireysanyo si gumeysi loo galiyo wadamada qaarkood sida somaliya oo kale ayuu si carol eh u yirii Cali Maxamed Nuux ( Cali Tima Jilic ) gudoomiye ku xigeenka xisbiga Midnimada jamhuuriga Somaliyeed oo hadalkiisa sii wato wuxuuna intaa raaciyey ,In xisbi ahaa ay arintaa u arkaan ee ah go.aanka ay qaateen ciidamada Midowga Africa in hogaamiyeyaasha Africa ee cidiamada u soo dirayo gudaha dalka Somaliya tahay arin qaldan ayna tahay mid aan keeni doonin wax faaiido ah
Isaga oo ka hadlayey fikirkiisa ku aadan ciidamada ayuu sheegay in hadii la soo badiyo ay sii badan karto dhimashada Ciidamada iyo dhibka ay gaysanayaan .
Dalka somaliya ayaa Goor sii horeysay dowlada amraykanku geysay in ka badan 30 kun oo ciidamada Hubeysan ah waxaana uu cidamadiisa kala baxay ka dib markii ay ku geel dareysteen in ay soo qabtaan hogaamiyihii la dagaamayey ,waxaa sidoo kale cidamo 50 kun dhaafaya soo direy dowlada dariska ah ee Ethiopia oo dhibaatooyibn lixaad leh u geysatay shacabka Somaliyeed oo markii danbe iska saaray
Guntii iyo gabagabadii shirkii jaraid ee cali tima jilic ayuu ku sheegay in ciidamada dowlada Africa loo wadaan aysan wax ka baadalynin waxayna la iman doonaan dhimasho iyo dhaawac fara badan wuxuuna ku cel celiyey in ciidamada Somaliya la geynayo ay xisbi ahaa u arkaan arin qaldan xad gudubna ku ah jiritaanka dalka iyo diinta islaamka ah xadgudub ku ah shacabka ,xadgudub ku ah axsaabta iyo ururada siyaasadeed