Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho.

Published: 22 Apr 2010

Muqdisho, April, 22, 2010,(SOMINA)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mooshinka ka dhan ah ee la wado iyo furmidda kulammada Baarlamaanka.


Sheekh Aadan Madoobe oo booqday xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Qaranka Soomaaliyeed, taasna uusan ka aqbalayn.


"Qorshahan waa mid la doonayo in lagu burburiyo Dowladda Soomaaliya, si ay cadowgu uga faa'iideystaan in dalka uusan ka bixin dhibaatada, shacabkuna ay ku raagaan dhibka ay ku jiraan" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.


Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay qabsoomidda kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka oo lagu wado inuu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka, isagoo xusay inuusan dib u dhacayn, balse ay jiraan waxyaabo u baahan dhameystir.


Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in haddii danta Shacabka Soomaaliyeed ay ku jirto inuu xilka ka tago uu ka tagao; isagoo gaashaanka ku dhuftay in xilkiisa uu uga tago Xildhibaanno uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaab.


"Haddii danta Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto inaan xilka ka dago waan ka dagayaa waayo shacabka ayaa iga weyn, inay badbaadaan ayaana ka wanaagsan inaan xilka sii hayo, balse shaqsi fowdo wada oo xiriir la leh Al-shabaab ugama tagayo shaqadayda" ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka.


Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xilliga Baarlamaanka iyo Xilliga Guddoonka ay yihiin kuwo isku xiran oo aanay jirin xilliyo kala duwan oo weligood loo kala sameeyay.


"Aniga waxaan Madaxweyne Sheekh Shariif ku wareejiyay xilka Madaxweynimo markii lagu doortay Jabuuti, marka ma doonayo inaan isku dhajiyo xil, waxaana qabaa in sharciga loo maro wixii khalad ah ee la igu haysto" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.


Golaha Shacabka oo uu ka dhacayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanku uu yeelanayo ayaa waxaa ka muuqday dayactir, iyadoo halkaas ay yaalleen kuraastii ay ku fariisan lahaayeen mudanayaasha baarlamaanka haddii uu fadhigu furmo berri.


by Ali Moalim

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009