Matabaan, April, 06, 2010, (SOMINA)- Warar hadda laga hellayo degamada Matabaan ee Goballka Hiiraan ayaa sheegaya in Xoogagga Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljmeeca dib ula wareegeen gacan ku heynta degmada Matabaan oo saaka waabarigii hore mar gacanta u gashay Xarrakada Al-shabaab.
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Culimada Ahlu Sunna Waljameeca, kana yimid Degmada Gure-ceel ay u soo dhaafeen degmada Matabaan dhinaca deegaannka Bacda oo masaafo aan badneyn u jirta deegaannka Beer-gadiid ee Goballka Hiiraan halkaa oo iska horimaad aan badneyn uu ku dhaxmaray Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa ka tirsan shabaab ee saaka weerarka ku qaaday degmada Matabaan.
Goob joogiyaal aan la xariirney ayaa noo xaqiijiyeyey in gudaha degmada Matabaan ay hadda ku sugan yihiin Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana ay goob joogiyaasha intaasi ku darayaan in Ciidamada Al-shabaab isaga baxeen degmada markii ay ka warheleen in Ciidamada Ahlu Sunna ay ku soo wajahamyihiin degmada Matabaan.
Dagaalka saaka ka dhacay degmada Matabaan iyo deegaannada ku dhaw dhaw ayaa soo baxay xili Todobaadyadii aynu soo dhaafnay deegaanno badan oo ka tirsan Goballada Bartamaha Soomaaliya ka jirreen dhaq dhaqaaqyo Militari iyo dagaallo u dhaxeeya kooxaha isku haaya gudaha dalka soomaaliya