Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya.

Published: 05 Apr 2010

Muqdisho, April, 05, 2010, (SOMINA)-Shabaabka ayaa amar ku bixiyay in muddo saacado ah Idaacadaha Muqdisho ay sii daayaan Barnaamij ayaga u gaar ah, ayna joojiyaan wararka iyo barnaamijyada ka baxa Idaacadahaasi.


Suxufiyiin ka tirsan qaar kamid ah Idaacadaha maxalliga ah ee ka howl gala Magaalada Muqdisho oo diiday in magacooda la soo xigto   ayaa  sheegay in Shabaabka ku amreen in maanta aaneey tabi Karin barnaamijyo iyo warar intuba laga bilaabo 12:00pm (duhurnimo) marka idaacaduhu hawada ay soo galaan illaa laga gaarayo 03:00pm (galabnimo).


Go,aankan ka soobaxay Shabaab ayaa waxaa Saxaafadda soo gaarsiiyay nin magiciisa ku sheegay Yoonis, laakin magiciisa saxda ah uu yahay Xasan, waana ninka u caga jugleeya had iyo jeer Idaacadaha madaxa banana ee ka howlgala Magaalada Muqisho sida warka ay tibaaxayaan.


waraarka qaar ayaa sheegaya in Shabaab ay doonayaan in idaacadahu ay saacadahaas ay sii deynayaan hadalo ay Horjoogayaal Shabaab ka tirsan ka jeedin doonaan Majidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha, halkasi oo ay maanta isugu imaan doonaan madax ka tirsan Shabaabka.


Maamullada Idaacadaha oo aan leheyn awood madax banaan oo xarumahooda ku maareeyaan ayaa arrinkaan si weyn uga carooday lakiin qasab ayey ku noqotay in ay aqbalaan maadaama ay Shabaabku kacteliyaan eeriyada ay ku yaalaan Idaacadaha.


amarkan  Shababka ay soo rogeen ayaa meesha ka saaraya Barnaamijyo, warar, Suugaan iyo duruus diini ah oo ka bixi jirtey Idaacadaha madaxa banana,taasi oo dad farabadan ay ku xiranyihiin.


Go,aankana ayaa soo baxay maalin kadib markii Uruka Xisbul Islaan ay Idaacadaha ku amreen in ay joojiyaan Hesaha iyo Musikada 10 beri kadib, sidoo kalana raga ka bar bardagaalamana aan loogu yeeri Karin Ajnabi,waxayna amar ku soo saareen in loogu yeero ragaasi ka barbardagaalama Muhaajireen.

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009