Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka

Published: 01 Mar 2010

Muqdisho, March, 01, 2010, (SOMINA) Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Max'ed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in sannadkan wixii ka dambeeya laga gudbayo Dowladda KMG ah loona gudbayo Asxaab.

Wuxuu wasiirku sheegay in wasaaraddiisu ay diyaarisay guddi ka kooban 30-qof oo diyaariya Dastuur Dalka lagu maamulo, kaasoo uu sheegay in la doonayo in looga baxo nidaamka KMG ah ee ay dowladdu ku shaqeyso hadda.

"Guddi ka madaxbannaan Dowladda Soomaaliya ayaa waxay wadaan qorshe ay ku dajinayaan dastuur cusub oo uu Dalku yeesho, kaasoo dhawaan loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed si ay fikradahooda uga dhiibtaan" ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Wasiirku wuxuu sheegay in guddigan oo ka kooban Xildhibaanno iyo Culummaa'uddiin ay dhawaan tababarro kusoo qaateen Dalka Djibouti ayna Dalka kusoo laabteen, iyagoo ka baaraandagaya qodobbada Dastuurka in la waafajiyo diinta Islaamka.

"Dastuurkan cusub wuxuu dalka u badalayaa mid Axsaab ay ku tartanto xukunkiisa, waxaana looga gudbayaa nidaamka KMG ah ee ay hadda xukuumaddu ku shaqeyso" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka, wuxuuna sheegay in xisbiyadaas la dhisayo laga doonayo inay iyagu doortaan ciddii maamuli lahayd.

Madoobe Nuunow ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli xukuumadda lagu eedeynayo inay gudan wayday waajibaadyo ay ka mid yihiin inay nidaamka Federaalka ku baahiso dalka oo dhan, kaasoo Dastuurka uu qoray inay ku hirgeliso muddo 1-sano ah.


 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009