Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble

Published: 19 Feb 2010

Muqdisho, Feb, 15, 2010, (SOMINA) Tacsi Qarameed ayaa manta Madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyey, Alle ha u naxariistee, marxuum Saleebaan Colaad Rooble, Wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Sportiska,  oo 12-kii bishaan  ugu dhintay dalka Sucuudiga, dhaawac culus uu ka soo gaaray, falkii argagixiska ahaa ee December 3, 2009 ka dhacay Hotel Shamo.


 Xafladaas waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh  Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Aaden Maxamed Nuur, Wasiirka 1-aad, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, inta badan xubnaha Golaha Wasiirada, bahda sportiska, saraakiil ciidan, culumaa’u diin, eheladii marxuumka, saaxiibadiis iyo saraakiil badan oo dowladda ka tirsan.


Xafaladda waxaa lagu bilaabay quraan akhris, waxaa ku xigey wacdi diini ah, waxaa la fiirsaday filim laga soo qaaday maalintii ifeysey ee Al-habaab ay madowga u badaleen ee December 3. Waxaa ku xigey hadallo kooban oo ay soo jeediyeen Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga, Khadiijo Diiriye oo ah sii haya xilka marxuumku ka geeriyooday, iyada oo Khadiijo ay ka warrantay shaqooyinkii, uu Alle ha u naxariistee Saleebaan ka qabtay hawlaha dhallinyarada iyo sportiska Soomaaliya.


Intaa kaddib, waxaa madasha hadallo duco iyo ammaan isugu jira ka soo jeediyey Wasiirka 1-aad, oo sheegay in halgankii Saleebaan Colaad Rooble aan la hilmaami doonin, kaddibna waxa hadalka ku wareejiyey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo aayado badan oo Quraan ah akhriyey kuwaas oo ka warramaya xaaraamnimada dilka Muslimka, sheegayna in kuwa khasaaray ay yihiin kuwa dhiigga Muslimka galay, haddana weli ku sii socda oo qaarkood xalay miino ay dhigayeen ay ku qaraxday.


Waa munaasabadda soo gaba-gabeeyey, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka sheekeeyey xiriirkii ay lahaayeen Marxuum Saleebaan, sheegayna in uu ahaa nin qaali ah oo aad firfircoon, dadka Qarankana u dhintay.


Bishii hore ayay ahayd markii Madaxweynuhu uu billadda ugu sarraysa biladaha Qaranka siiyey afartii Wasiir oo horay argagixisadu u dishey iyo Saleebaan oo markaas dhaawac ahaa iyo laba sarkaal oo kale oo ku dhintay iyaga oo danta, dalka, dadka iyo diinta u taagaan.


Madaxweynuhu waxa uu Ilaahay u weydiiyey in uu janada ka waraabiyo Saleebaan iyo saaxiibadiis Caddow, Waayeel, Qamar, iyo Cumar Xaashi.


Shabaabka iyo xisbul Islaamna axa uu ugu baaqay in ayh nabad iyo wadahadal qaataan, kana joogsadaan falalka dilka Muslimka ee qofkii ku dhaca halaagga u soo jiida. Albaabku waa idiin furan yahay ayuu yiri ee “naftiinna iyo shacabkaba halaagga ka joojiya.”

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009