Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah.

Published: 27 Jan 2010

Nairobi, Jan, 27, 2010, (SOMINA) - Dowladda Kenya ayaa waxa ay sheegtay in howlgalada Ciidamadeeda ay ka wadaan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya aan lagu bartilmaameedsaneyn shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladaasi.


Ra’isul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo kulan la qaatay xubno katirsan Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa u sheegay in howlgaladii dhawaan ka dhacay dalka Kenya ee ka dhanka ahaa Muhaajiriinta Sharci darada ku joogta dalka Kenya uusan aheyn mid lagu bartilmaameedsanayay Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya.


Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay Ra’isul Wasaare Odinga in dadka Soomaalida ah ee ku haysta Ganacsiga Sharciga ah Dalka Kenya ay xor u yihiin in markasta oo ay cabsi dareemaan ay cabashadooda soo gudbiyaan.


Ma jiro qorshe u qarsoon Dowladda Kenya oo dhanka ah xubnaha bulshada Soomaaliyeed isagoona sheegay in ay soo dhaweenayaan maalgalinta ay Dalka ku sameeyeen ayuu yiri Ra’isul Wasaare Odinga.


 Sidoo kale Ra’isul wasaare Raila Odinga ayaa waxa uu Dowladda Mareykanka ugu baaqay in ay gacan ka geysato sameynta gar gaar Caalami ah oo loo fidinayo Dowladda KMG ah, isagoo sheegay in dawada ugu haboon ee looga hortagi karo kooxa burcad badeeda iyo amni darada ka jirta Dalka Soomaaliya ay tahay in la taageero Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.


Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Kenya ay sii wadi doonto kaalinta kaga aadan Dowladaha Soomaaliya iyo Suudan.


Xubnihii uu kulanka la qaatay Ra’isul Wasaare Odinga ayaa sheegay in aysan diidaneyn qabqabshada dadka sharci darada ku jooga Dalka Kenya, balse ay ka cabsi qabaan in bartilmaameedku uu yahay Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya iyo Ganacsigooda.


Si kastaba ha ahaatee hadalka Ra’isul Wasaare Odinga ayaa imaanaya xilli ay Dowladda Kenya sheegtay in aysan joojinayeyn howlgalada lagu qabqabanayo dadka Soomaaliyeed ee aan sharciga heysan, waxaana Xabsiyada Dalka Kenya laga soo sheegayaa daruufo adag oo ay ku suganyihiin dadkii dhawaan Ciidamada Kenya ku qabqabteen howlgalada ka dhanka ahaa Soomaalida sharci darada ku jooga Dalka Kenya.

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009