Nairobi, Jan, 16, 2010,(SOMINA)- Mudaharaadkan oo rabshado watey ayaa salaadii jimcaha kadib waxaa uu ka dhacay iridka hore ee Masjidka Jaamia ee magaalada Nairibi,waxaana fooda halkaasi isku darey Muslimiinta mudaharaadka dhigayey iyo Ciidamada Booliska Rabshadaha ka hortaga ee Dowlada Kenya.
“Waxaan arkey qof Xabad ku dhacdey oo Majiska dhaxdiisa ku dhimanaya waxaan kuu xaqiijin karaa in ay dadka dhintey gaarayaan 5 qofood dhaawacna waxaa kasiibadanyahahay” sidaasi waxaa wakaalada warka somina u sheegey nin magaciisa diidey in lashaaciyo oo goobta joogey.
Rabshadahan oo wakhti badan socdey ayaa waxay salka ku hayaan Wadaad dhalashadiisa ka soo jeeddo dalka Jamaica oo lagu Magacaabo Shiikh Cabdalla Al-Feysal, kaasi oo ay Dowladda Kenya xabsiga u taxaabtay, iyadoo beryahanba uu socday dadaal ay Muslimiinta Kenya ku doonayeen in lagu sii daayo Wadaadkaasi.
Rabshadahan ay dhigeen Muslimiinta ayaa waxay geysteen qasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaarey dad badan oo rayid ah,sidoo kale waxaa uu burur xoogleh ku yimid suuqa lagu magacaabo Jamia Mall oo uu leeyahay Masaajidka Jamia ee Magaalada Nairobi.
“Waxaa nasoo weerarey dhalinyarada gaalada waxayna dhagaxyo ladheceen masaajiska iyo suuqii masaajidka uu lahaa oo ay dadka muslimiinta ku ganacsanayeen muraayadihiina wey kabur buriyeen Auuqa Jaamia Mall” ayuu hadalkiisa sii raaciyey qofkaasi magaciisa diidey in lashaaciyo.
Intii ay rabshadaha socdeen ayaa waxaa dhacay wax muujinaya in xiisadda haddii aan dhaqsi wax looga qaban ay isu rogi karto rabshado-diimeed, waxaana taasi marag muujin u ah in ay ciidamada rabshadaha ka hortaga ay la soo safteen dhalinyarada aan muslimka ahayn ee Kenya, kuwaasi oo dhagaxyo u tuurayay dhinaca dhalinyarada Muslimiinta ee Ciidamada dhagaxyeynayay.