Muqdishu, Jan, 14, 2010,(SOMINA)- Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaallada ka socda Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, waxayna ku tilmaantay kuwo ay dhibaato kasoo gaartay dadka rayidka ah ee degmadaas ku noolaa.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Soomaaliya Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa ka dalbaday dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Baladweyne inay xabbada joojiyaan iyagoo u daneynaya shacabka Soomaliyeed.
"Dagaallada ka socda Baladweyne waxay keeni karaan haddii ay sii socdaan dhib baaxad weyn oo Magaalada iyo dadka Soomaaliyeed gaara, waxaana ugu baaqayaa dhinacyada isku haya inay xabbada joojiyaan, iyagoo u daneynaya dadka rayidka ah" ayuu si kooban u yiri Mr. Ibbi.
Wasiirku wuxuu sheegay in Dowladdu ay aad uga xun tahay dagaallada maalintii shanaad galay ee ka socda Baladweyne, kuwaasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo soo gaartay shacabka degmadaas ku nool.
Dhanka kale, wariyaha Hiiraan Online ee Baladweyne Cabdiraxmaan Diini ayaa sheegay in xaaladdu ay saakay tahay mid daggan, inkastoo la maqlayo rasaas aan badnayn oo ka dhacaysa buundooyinka ay isku horfadhiyaan labada ciidan ee iskasoo horjeeda.
"Waxaa weli xiran isku socodka gaadiidka iyo dadka, waxaana inta badan dadkii ku noolaa Baladweyne ay u barokaceen meelo ka fog Magaalada, sidoo kale waxaa Go,an biyaha, Isgaarsiinta gaar ahaan Taleefoonnada Land-Line-ka ah iyo weliba Korontada" ayuu yiri Wariye Cabdiraxmaan Diini oo weli ku sugan Baladweyne.
Kooxaha ku dagaalamaya Baladweyne ayaa waxay wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan, inkastoo aanay jirin wax dagaal ah iyo duqeymo, waxaana koox walba ay dadaal ugu jirtaa sidii ay gacanteeda u soo geli lahayd Magaalada.
Source: Hiiraan Online