Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna

Published: 12 Jan 2010

Dhuusamareeb Jan,12, 2010,(SOMINA)- Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in uu ku soo biiray Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ahaa Saraakiisha Xarakada Mujaahidiinta Al Shbaab kula dagaalamay Jubooyina.


Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca Sheekh Cabdulaahi Sheekh Cabdiraxmaan abuu qaadi oo maanta shir jaraa’id warbaahinta u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ku amaanayaan Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) dagaaladii uu ka waday Gobolada Jubooyinka.


Waxaa uu tilmaamay in Sheekh Axmed Madoobe uu ka soo wareegay Xisbul islaam islamarkaana uu ku soo biiray dhank Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca si buu yiri uu u sii wado dagaalada ay kula jiraan dhinacyada ka soo horjeeda.


“Axmed Madoobe  waa uu ku qanci waayay gumeysiga iyo duliga faraha badan ee dhinacayada nagasoo horjeeda ay ka wadaan Jubooyinka,waxaana uu doorbiday Markii uu taasi u dul qaadan waayay in uu go’aansado in uu ku soo biiro Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca”ayuu yiri Afhayeenka culumaa’udiinka Ahlu Sunna.


 Abuu Yuusuf ayaa waxaa uu soo hadal qaaday dagaalada Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan isagoo sheegay in dagaaladaasi ay guulo weyn ka gaareen islamarkaana ay hormar ka sameeyeen.


Lama oga in ra’yiga Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca uu la qabo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) kaasoo Ururka Xisbul Islaam ay sheegeen in uu ka mid yahay saraakiisha sar sare ee Ururkaasi.


 Ciidamo uu watay Sheekh Axmed Max’ed Islaam Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsanaa Ururka Xisbul salaam ayaa Sanadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisa waxaa ay dagaalo ka wadeen qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka halkaasi oo ay kla dagaalamayeen Xaraakada Mujaahidiinta Al shabaab.


 


 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009