Hiiraan, jan, 11 2010, (SOMINA)- Dagaal xooggan ayaa saaka aroortii wuxuu dib uga qarxay Magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalkana uu haatan ka socdo bartamaha Magaalada.
Dagaalka oo bilowday saaka aroortii xili ay dadka Magaalada ay hurdeen ayaa wuxuu qarxay kaddib markii ay dagaal rogaal-celis ah soo qaadeen Xoogag ka amar qaata Xisbul Islaam oo shalay gacan-ku-heynta Magaalada ay kala wareegeen Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Wal Jamaac.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hoggaaminaya Ciidamada shalay al wareegay gacan-ku-heynta Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in Ciidamada la wareegay Magaalada ay yihiin Ciidamo Reer Hiiraan oo Ahlu Sunna ah, wuxuuna caddeeyay in aysan wax magac Dowladeed ah ku tegin Magaalada Beledweyne, walow uu xusay in aysan jirin wax dhibaato ah oo Dowladda kala dhaxeeya.
“dagaal xoogqan aya ka socda Magaalada beledweyne saaka xitaa diyaaradii Jaadka noo wadey maanta waa soo degi weysey waxayna hada kadegtey Magaalada Gaal kacyo” sidaasi waxaa ku calaa cashey haweeney lagu Magacaabo Xaawo Cali,taasi oo ka mid ah Ganacsatada Qaadka Magaalada Beledweyne.