Muqdisho,Dec,20 2009, 02:10 PM-ET,(SOMINA)- Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ayaa geeriyootay 20 kalana wey dhaawacmeen ka dib markii kooxaha mucaaradka ay madaafiic ku garaceen xarun Boolis oo ay ka socotay munaasabad, iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay madaafiic jawaab ah ku garaaceen deegaano badan oo uu ku jiray suuqa weyn ee Bakaaraha ee Muqdisho, sidaas waxaa xaqiijiyay goobjoogayaal iyo saraakiil caafimaad. Saraakiisha Booliska ayaa ku waramay in Iskuulka Booliska ay ku qabanayeen munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada Booliska Soomaaliyeed, ayna halkaa kooxaha ka soo horjeeda dhowr hoobiye ku soo weerareen taas oo lagu waramay ineysan qasaare badan ka gaysan gudaha goobta ay xafladda ka socotay balse ay ku habsadeen deegaanada u dhow dhow. “hal askari ayaa ku nafwaayay madaafiicdaas oo ku dhacay agagaarka goobta munaasabadda ka socotay oo ay joogeen masuuliyiinta sare ee booliska iyo wasiiro, waxaana dhaawacmay afar kale oo askarta ah” ayuu yiri taliye ka tirsan Booliska. “ilaa 12 qof ayaa ku dhimatay madaafiic lagu soo garaacay suuqa Bakaaraha iyo xaafadaha u dhodhow, ilaa 20 kalana waa dhaawac dhamaantoodna waxaan u qaadnay Isbitaalada Magaalada” ayuu yiri Cali Muuse Shiiq Maxamuud oo madax u ah guddiga gaadiidka gurmadka degdegga ah ee Muqdisho. “dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray dad isku qoys ah oo ay madaafiicdu kula kala dheceen xaafadda Xararyaale ee Degmada Wardhiigley iyo Degmada Xamar Jajab” sidaasina waxaa ku waramay Cabdulaahi Ciidle oo Bulshada Muqdisho ka tirsan. Suuqa Bakaaraha ayaa ah meel ay madaafiicda jawaabta ah la beegsadaan ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM marka ay kooxaha Mucaaradku soo hujuumaan, waxaana taas ay sababtaa inuu xirmo ganacsiga suuqaas uuna qasaare naf iyo maalba leh ka soo gaaro madaafiicda lagu weeraro. Inta badan kooxda madaafiicda la beegsata xarumaha Dowladda ayaa ah Alshabaab oo ah koox mucaarad hubeysan oo dooneysa iney talada ka tuurto xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed ee ay dalalka Reer Galbeedku taageeraan. Alshabaab ayaa Dowladaha Mareykanka iyo Ustaraaliya waxa ay ku dareen liiska ururada Argagixsada ah ee xariirka adag la leh ururweynaha Alqaacida. Dagaalada ka dhacay Dalka ku yaal geeska qaaradda Afrika ee Soomaaliya ayaa waxaa ku naf waayay 19,000 oo qof tan iyo sanadkii 2007, xiligaas oo ay dalka gudaha u galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo dagaal ku jebiyay malayshiyadii Maxaakiimta Islaamka oo uu xiligaas madaxa u ahaa madaxweynaha xiligan ee Dalka. Bilowgii sanadkan sii dhamaanaya ayay ciidamada Itoobiya isaga bexeen cariga Soomaaliya laakin dhowr mar ayay dib u soo galeen qeybo ka mid ah inkastoo dowladda Soomaaliya iyo tan Itoobiyaba ay arimahaas beeniyaan. MB.MF