Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria.

Published: 07 Jan 2010

 

Djibouti,Dec,23 2009, 07:30 PM-ET,(SOMINA)- Golaha Amaanka ee Qaramada-midoobe ayaa ansixiyay cunaqabateyn la saaro Dalka Eretria oo lagu eedeeyay iney hub iyo tababaro malayshiyaba siiso kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Soomaaliya kuwaas oo doonaya iney afgenbiyaan xukuumadda aan awooda badan lahayn ee ay Q.M taageero, taas oo uu madax ka yahay hogaamiyaha Islaamiga qunyar socodka ah ee Shariif Sheikh Axmed.




Eretria ayaa dhowr jeer oo hore beenisay eedda uga timid Q.M ee ah iney ka taageerto kooxaha mucaaradka ah dhinacyada dhaqaalaha, hubka iyo tababarada malayshiyada, hase ahaatee Q.M ayaa ku adkeysaneysa in la gaaray waqtigii dalkaas lagu ciqaabi lahaa falalka ay colaadaha uga abuurayaan Soomaaliya.




Dowladaha ugu waaweyn ee ku jira Golaha ayaa qalinka duugay dhaqangalka cunaqabateynta la dul dhigay Dowladda Eretria, oo sidoo kale lagu eedeeyay iney iska diiday xalinta qilaafka gacan ka hadalka dhaliyay sanadkii 2008-dii ee ka dhacay xuduudka ay la wadaagto dalka ay deriska yihiin ee Jabuuti.




13-Dowladood oo xubno ka ah 15-ka xubnood ee Joogtada ah ee Golaha Amaanka ayaa isku raacay Cunaqabateynta, waxaana Libya oo hadda ah Madaxa Ururka Miodowga Afrika ay noqotay Dowladda kaliya ee diiday iney u codeyso cunaqabateynta, halka Dowladda Shiinaha oo iskeed uga soo horjeeda in dal la cunaqabateeyo ay isaga aamustay.




Cunaqabateynta waxaa ku jirta in laga joojiyo madaxda dalkaas iyo saraakiisha ciidamadaba safarada xagga Debedda ah iyo in la xayiro dhaqaalaha ay ku leeyihiin Bankiyada aduunka.




Waxaa kale oo xayiraad la saari doonaa Dekedaha iyo Garoomada Dalka Eretria ee dhanka hubka iyada oo lagu baaqay in lala socdo waxyaabaha ka baxaya dalkaas ee sii maraya Badda Cas si loo eego haddii uu yahay hub ku socda Soomaaliya.




Waxaa kale oo lala socon doonaa Hubka soo galaya Dalka Eretria, sida ay qeexayaan qodobada cunaqabateyntu ay ka kooban tahay.




Wasiirka Umuuraha Debedda ee Dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shacabkiisa kala hadlay TV-ga qaranka ayaa aad u soo dhoweeyay cunaqabateyntan, isaga oo sheegay ineysan la dagaalsaneyn shacabka Eretria balse ay ishayaan Hogaamiyaha Dalkaas oo u soo jeestay sida uu yiri qalqalgelinta dhanka amniga ee Guud ahaan gobolka Geeska Afrika.




"Qeyb ahaan cunaqabateyntaan waxa ay isugu jirtay dhibaatada ay Eretria ka waddo Soomaaliya iyo Djibouti" ayuu wasiirku sheegay.




Sidoo kale, Safiirka Soomaaliya u fadhiya UN-ka ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay umuurtan oo uu sheegay iney qeyb ka qaadan karto nabad ka dhalatay Soomaaliya.




Gudiga la socodka hubka ee QM u xilsaartay Soomaaliya ayaa sheegay in dalkaas Eretria ay hub joogto ah u dirto kooxaha Mucaaradka.




Ururka midowga Afrika AU, Urur Goboleedka IGAD iyo  Dalalka Gobolka sida Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Sudan ayaa ilaa bishii July ee sanadkan waxa ay codsanayeen in la cunaqabateeyo dalka Eretria, oo qalalaase dhanka amaanka ah ka wada Gobolka gaar ahaan dalka sharci la’aanta ah ee Soomaaliya.




MB.MF


Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009