10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Published: 24 Dec 2009

Muqdisho,Dec,24 2009, 04:36 PM-ET,(SOMINA)- Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland iyo kuwa maamulka deriska ay yihiin ee Galmudug ayaa ku dagaalamay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana ay dagaaladii maanta sababeen dhimashada  ugu yaraan 10 qof iyo dhaawaca intaas ka badan, sidaas waxaa xaqiijiyay goobjoogayaal.


Dagaalka ayaa yimid ka dib markii suuqa magaalada Gaalkacyo ay rag hubeysan oo loo badiyay iney dhinaca koonfurta ka yimaadeen ku dileen askari ka tirsanaa ciidanka Dowladda hoose ee Puntland u qaabilsan Gaalkacyo.


Magaalada waxa ay u kala qeybsantaa laba qeybood oo dhinac ay maamusho Dowlad Goboleedka Puntland halka dhinaca kalana ay joogaan Maamulka Galmudug, waxaana beryihii danbe labada dhinac ka dhex taagnaa xiisad.


“tobon qof wey dhinteen inta aan aragnay,waxaana jiray madaafiiic culus oo la isweydaarsaday” ayuu yiri Maxamed Cilmi oo ah Goobjooge ku sugan Gaalkacyo.


“Dagaalku wuxuu sidoo kale geystay dhaawac badan oo lakala geeyay isbitaalada kukala yaal dhinacyada koonfurta iyo waqooyiga magaalada, welina wuu socdaa oo qasaaraha wuu sii badan karaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen mas’uuliyiinta labada maamul Goboleed ee deriska ah, iyo cid isku howshay qaboojinta xiisadda keentay dagaalka.


Dagaalkan oo kale kama dhicin sanadihii u danbeeyay guud ahaan magaalada Gaalkacyo sida ay ku warameen odayaasha deegaanka, oo tilmaamaya ineysan wali cadeyn sababta keentay dagaal qasaarahan geystay.


MF.MB

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009