Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho.

Published: 19 Dec 2009

Muqdisho,Dec,19 2009, 03:25 PM-ET,(SOMINA)- Ugu yaraan hal qof ayaa ku naf baxay shan kalana wey dhaawacmeen ka dib markii uu dab weyn maanta qabsaday garaash shidaalka lagu iibiyo oo ku yaal agagaarka KM5 ee Muqdisho, waxaana sidoo kale halkaas ku baaba’ay hanta fara badan oo ay lahaayeen ganacsatadii shidaalka iibineysay.


Goobjoogayaasha iyo wariyaasha tagay goobta uu dabku ka kacay ayaa sheegaya in qofka dhintay iyo kuwa dhaawacmay aysan ku waxyeeloobin dabka kacay ee ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee Dowladda oo isku dayayay iney xakameeyaan dhaqdhaqaaqa dadka meesha soo buuxdhaafiyay.


Gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in dadaal dheer ka dib ay ku guuleysteen in dabka la demiyo, isaga oo xusay iney u yeerteen booyadaha dab demiska ee ciidamada AMISOM, sidaasna looga hortagay in dabku sii faafo.


“runtii waxaa na soo gaaray qasaare weyn oo hantideenii oo ahayd shidaalka goobta yaal guud ahaan wey naga baaba’day” ayay tiri Wiilo Xaashi Naxar oo ka mid ahayd ganacsatada ay goobtooda dabku ka kacay.


Dabka waxa uu bilowgii ka kacay garaash weyn oo ay yaalaan booyado shidaal ah oo halkaas lagu iibiyo, hase ahaatee mar qura ayaa hawada qiiq galay, waxaana uu dabku ku faafay deegaanadii ka agdhowaa oo uu gaaray.


Goobaha uu dabku saameynta ku yeeshay ee qeyb ka mid ah gubatay waxaa ka mid ah Hoteelka weyn ee Amiira oo goobta ka agdhowaa kaas oo ay degan yihiin siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.


Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiirka Arimaha Gudaha iyo wasiiro Dowlaha Gaashaandhigga ayaa ku jiray shaqsiyaadka goobta tagay si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu baqtiinayo dabka qabsaday goobtaas.


Dabkan oo aan la ogeyn sababta uu ka dhashay ayaan ahayn kii u horeeyay ee ka kaca goob ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana hore dhowr jeer u gubtay suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho oo ay ku basbeeshay hanta fara badan.


MF.MB

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009