Djibouti, Dec,17 2009, 09:19 AM-ET,(SOMINA)- Warbixin ay magaalada New York ee dalka Mareykanka ka soo saartay hay’adda ilaalinta saxafiyiinta ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan CPJ, ayay ku sheegtay in 68 wariye sanadkan sii dhamaanaya lagu dilay daafaha caalamka iyada oo dalalka ugu badanna ay yihiin Filibiin iyo Soomaaliya.
Warbixinta oo ay hay’addu soo saartay maanta oo khamiis ah ayay ku sheegtay in Gobolka Maguindanao ee dalka Filibiin bishii November lagu laayay 57 qof oo ay ku jireen 31 wariye.
Tirada dhimashada ee sanadkan ayay hay’aadu sheegtay in boqolkiiba lixdan ay kor uga kacday tiradii wariyaasha ee la dilay sanadkii 2008.
Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka ugu badan ee sanadkan wariyaasha lagu dilay waxaana warbixinta lagu sheegay in dalkaas oo ay ka socdaan dagaalo culus ay sanadkaan naftooda ku waayeen ilaa 9 wariye oo ahaa kuwa u shaqeynayay warbaahinta maxaliga ah.
Kooxda hubeysan ee Alshabaab ayaa warbixinta lagu sheegay iney qaaday sanadkan weerar argagixisinimo oo ka dhan ah saxaafadda Soomaaliya, iyada oo dishay wariyaal sidoo kalana qabsatay xarumo warbaahineed oo madax banaan.
Saxafiyiinta dhintay waxaa ka mid ahaa Siciid Tahliil Axmed, agaasimihii idaacadda madaxa banaan ee HornAfrik, kaas oo la toogtay xilli isaga iyo rag kale oo saaxiibadiis ah ay marayeen gudaha suuqa Bakaaraha iyaga oo u socday shir jaraa’id oo looga yeeray.
“tani waa qasaare culus oo gaaray tirada yar ee saxafiyiinta Soomaaliyeed kuwaas oo wali naftooda qatarta u geliya xirfadooda” ayuu yiri ku xigeenka agaasimaha CPJ Robert Mahoney oo intaas raaciyey “kuwa la dilay kaliya kuma aysan dhiman dagaalada socda ee laakin waxaa ay ku dhinteen gacanta kooxaha Islaamiyiinta ah ee doonaya iney xakameeyaan fariimaha ay wariyaashu faafiyaan”.
Afar wariye ayaa iyana lagu dilay dalka Pakistan sanadkan 2009-ka, halka dalka Ruushkana lagu dilay ilaa sadax wariye.
Dalalka Mexico iyo Sri Lanka ayaa midkiiba sanadka lagu qaarijiyay laba saxafi, halka dalalka ugu badan ee waxyeelada loogu gaysto saxaafadda ay ay hay’addu ku sheegtay iney yihiin Colombia, Afghanistan, dhulalka la haysto ee reer Falastiin, Kenya, Indonesia, El Salvador, Madagascar, Nigeria Venezuela, iyo Nepal.
MB.MF