Muqdisho, Nov,30 2009, 01:30 PM-ET,(SOMINA)- Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday askari ka tirsan ciidanka Daraawiishta Soomaaliya ee qeybta ka ah kuwa Dowladda Federaalka, sidaas waxaa xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka.
Ibraahim Axmed Maxmuud, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dil bareer ah 29-kii bishii October ee aan soo dhaafnay ugu gaystay Deegaanka Ex-Control Afgooye haweeney ganacsato ah, waxaana goobta ay ka dhaceysay dacwada goobjoog ka ahaa ehelada haweeneeydii la dilay iyo saraakiil ka kala tirsan waaxyaha ciidanka iyo garsoorka ee Dowladda Soomaaliya.
“waxaan eegnay qiraalka uu Ibraahim Axmed Maxamuud ka hor sameeyay Maxkamadda oo uu dilkaas ku qirtay waxaana dhegeysanay goobjoogayaal falkaas ku cadeeyay”ayuu yiri Jen. Cali Isxaaq oo ah gudoomiyaha Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya.
“annaga oo eegeynay shareecada islaamka iyo xeerka ciqaabta ee dalka ayaan Ibraahim ku ridnay xukun dil ah oo aan ka noqosho laheyn kaas oo dhowaan lagu fulin doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ibraahim Axmed Maxmuud ayaa noqonaya Askarigii 7-aad ee ay maxkamadda ciidanka ee Soomaaliya xukun dil ah ku riddo, waxaana qaabka dacwadan loo soo afjaray ku farxay qaraabadii gabadhii hore loo dilay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan maxkamaddan oo qaabilsan dhanka ciqaabadaha ciidamada Dowladda ee falal danbiyeedyada lagu soo oogo sameysay ka dib markii ay bateen askarta ka tirsan Ciidanka ee sida bareerka ah u dila dadka rayidka ah iyo kuwa dhaca hantida dadweynaha, talaabadaas oo muujineysa in Dowladu ay ku dooneyso iney ku xakameyso askarta falalkaas ku lugta leh ayna niyad wanaag ugu muujiso dadka rayidka ah.
MF.MB