Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya.

Published: 29 Nov 2009

Muqdisho, Nov,28 2009, 08:03 PM-ET,(SOMINA)-Kooxda Alshabaab ayaa qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya halkaas oo ay gacanta ku dhigeen  iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin, ka dib markii ay degmadaas isaga bexeen ciidanka kooxda Xisbul Islaam, sidaas waxaa xaqiijiyay dadka deegaanka.


Goobjoogayaal ayaa u sheegay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SOMINA in dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda lala xariiriyo Alqaacidda ee Alshabaab ay maanta oo Sabti ah soo galeen magaalada Dhoobleey ee ku taal dhanka koonfureed ee Soomaaliya kaabigana ku haysa xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.


Ciidanka Xisbul Islaam ee deegaanadaas ay ku dagaalamayeen kooxda Alshabaab ayaa isaga baxay Dhoobleey ka hor inta aaney Alshabaab magaaladaas qabsan. Labada koox oo awal si wadajir ah ula dagaalami jiray Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa mudooyinkii la soo dhaafay ku dagaalamayay gobolada Jubooyinka waxaana dagaaladii u danbeeyay ay iskaga dileen in ka badan 15 dagaalyahan oo labada dhinac ka tirsan.


Dadka deegaankaas ku noolaa ayaa badankood isaga huleelay guryahooda cabsi ay ka qabaan in gacan ka hadal uu ka dhoco magaalada oo ay soo rogaal celiyaan Malayshiyada Xisbul Islaam, waxaana dadku ay u qexeen xeryo qaxooti oo ku yaal dalka Kenya oo ay hore u buux dhaafiyeen kumanaan dad Soomaaliyeed ah oo ka soo cararay dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya siiba magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Kenya ayaa ciidan xoogan soo dhigtay xadka ay la wadaagto dalka sharci la’aanta ah ee Soomaaliya si ay isaga difaacdo weerar kasta oo ay macquul tahay inuu uga yimaado dhanka kooxda Alshabaab.


“ciidankeenu waxay xaadir ku yihiin xadka weyna iska daafici doonaan weerar kasta oo kooxahaas dalkeena ay u gaysan karaan” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga ee Kenya Yuusuf Xaaji.


Mar aan sidaas u sii fogeyn ayaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab ee xagjirka ah waxa uu ugu hanjabay Kenya iney weeraro ka dhan ah ka fulin doonaan haddii aysan faraha kala bixin arimaha Soomaaliya gaar ahaan ciidamada dalkeeda loogu tababarayo dowladda Soomaaliya.


MF.MB

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009