Lindhout iyo Brennan oo ka dhoofay Muqdisho.

Published: 26 Nov 2009

Muqdisho, Nov,26 2009, 09:46 AM-ET,(SOMINA)- Laba wariye oo ajnabi ah oo la sii daayay ka dib muddo 15 bilood ah oo ay gacanta ugu jireen dableey Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyaga oo gaaray dalka Kenya, sidaas waxaa xaqiijiyay wasiirka Amniga qaranka.


Saaka waabarigii ayaa diyaarad gaar ah waxa ay ka qaaday garoonka Muqdisho, Amanda Lindhout oo ah saxafiyad u dhalatay dalka Canada, iyo Nigel Brennan oo ah sawirqaade u dhashay dalka Australia.


“saxafiyiintan waxaa la sii daayay shalay gelinkii danbe, nasiib wanaag hadana waxa ay u dhoofeen si nabad ah” ayuu yiri wasiirka Amniga Qaranka Cabdulaahi Sanbaloolshe.


“waxaa la sii daayay ka dib markii dableeydii haysatay shalay la gaarsiiyay lacag dhan $700,000 ( Todobo Boqol oo kun),” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.


Wararka ayaa sheegaya in labadan wariye sii deysmadooda ay ka qeybqaateen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana markii la sii daayay isla xalay la dejiyay hoteelka Saxafi ee Muqdisho oo ay saaka ka qaadeen ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda iyo ciidanka AMISOM oo geeyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho si ay qaab nabad ah uga dhoofaan.


“aad baan ugu faraxsanahay inaan xoriyadeydii helay, waana caafimaad qabaa, waxa aan u mahadcelinaa inta sii deysmadeyda ka qeybgashay qoyskeygana la’aantood ma heleen xoriyadan” ayay Lindhout u sheegtay idaacadda BBC-da.


“maya maya, waxaas waxba kama jiraan, aniga waan cafimaad qabay wax walbana waa Ok” ayay tiri Lindhout oo beenineysa warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ay kooxihii haystay ay iyada uureeyeen oo ay cunug u dhashay intii ay gacantooda ku jirtay.


Wax faahfaahin ah lagama hayo goobta lagu haystay saxafiyiintan oo xaalad adag la kulmay waqtigii ay gacanta ugu jireen dableeyda Soomaalida ah, balse warar ayaa sheegaya in haatan laga keenay dhanka koonfureed ee Muqdisho marka la sii deynayay.


Hay’adda saxafiyiinta aan xaduudda laheyn RSF ee fadhigeedu yahay magaalada Paris, ayaa dhowaan sheegtay in saxafiyadda Lindhout ay la shaqeyn jirtay TV-ga laga leeyahay dalka Faransiiska ee France24 iyada oo sawirqaade Brennan uu ahaa sawirqaade madax banaan.


Lindhout oo u dhalatay Canada iyo Brennan oo u dhashay Australia ayaa dableey hubeysan waxa ay afduubteen bishii August ee sanadkii 2008 iyaga oo howlo shaqo u joogay deegaanka ceelasha biyaha, waxaana lala afduubtay weriye Soomaali ah iyo darawalkii waday balse bishii January ee sanadkan ayaa labadaas qof ee Soomaalida ah la sii daayay.


Dalka Soomaaliya oo aan laheyn dowlad dhexe tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 1991-kii oo talada laga eryay Maxamed Siyaad Barre ayaa haatan waxa uu ka mid yahay dalalka ugu halista badan ee lagu waxyeeleeyo suxufiyiinta ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ah iyo sidoo kale shaqaalaha hay’adaha Gargaarka ka shaqeeya.


MB.MF


 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009