Muqdisho, Nov,25 2009, 08:50 AM-ET,(SOMINA)- Ururka Alshabaab ee ka taliya qeybo badan oo ka tirsan gobolada koonfureed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka cunada Aduunka ee WFP aysan dib danbe Dalka u keeni karin wax raashin ah oo ay ugu talagaleen bulshada dhibaateysan ee Soomaalida, sidaas waxaa lagu qoray warsaxaafadeed maanta ay kooxdu ka soo saartay magaalada Muqdisho.
“waxaa la go’aamiyey in hay’adda WFP aysan dib danbe dalka u keenin raashin ay ka keento meel ka baxsan dalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay xafiis kooxda Alshabaab u qaabilsan la socodka hay’adaha Ajnabiga ah ee dalka ka shaqeeya.
“sidaas awgeed WFP waa in raashinka ay dooneyso iney u qeybiso bulshada dhibaateysan ee Soomaaliyeed ay ka iibsato beeraleyda Soomaaliyeed, taas oo sababeysa in bulshada Soomaalida ah ay gaaraan isku filnaansho ay kaga maarmaan caawinaad dhanka banaanka ah” ayaa warsaxaafadeedka lagu xusay.
Kooxda Alshabaab oo ay dowladaha Mareykanka iyo Australia u aqoonsadeen koox argagixiso ah, ayaa hore dalka Soomaaliya uga mamnuucday hay’ado badan oo kuwa gargaarka ka shaqeeya ah, waxaana ay hadda ku dhaliilayaan WFP in raashin bilaash ah ay dalka keento xilli ay soo go’een tacabka beeraleyda Soomaaliyeed si loo suuq xiro, sida ay warkooda u dhigeen.
Alshabaab ayaa amar ku siisay hay’adda WFP in ay ku faarujiso baqaarada ay ku heyso raashinka mucaawinada ah ilaa 1-bisha January ee sanadka cusub ee foodda nagu soo haya, iyada oo ganacsatada Soomaalida ah ee qandaraaska ku leh WFP lagu amray iney howshaas ay la wadaan hay’adda WFP ku joojiyaan isla mudadaas.
Kooxaha mucaaradka ayaa inta badan ka taliya deegaanada ay u barakeceen kumanaan dad ah oo naftooda kala cararay dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo u barakacay duleedyada caasimadda islamarkaana intooda badan ay noloshoodu ku tiirsaneyd raashinka ay u qeybiso hay’adda WFP.
MB.MF