10 qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Muqdisho.

Published: 23 Nov 2009

Muqdisho, Nov,23 2009, 09:22 AM-ET,(SOMINA)- Inta la ogyahay 10 qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey iney geriyoodeen 20 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeymo barbar socday oo shalay galinkii danbe ilaa xalay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ay xoogaga Xisbul-Islaam weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxaana madaafiic lagu garaacay degmooyinka Howlwadaag, Wardhiigleey iyo Dayniile.


Dadka ku dhintay dagaalka iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxay ahaayeen rayid ay xaafadohooda madaafiicdu ugu tagtay, sida ay ku waramayaan saraakiisha dhanka caafimaadka ee Muqdisho.


Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda oo dhaceysa xilli habeen ah ay sababtay in dadkii ku dhaawacmay ay guryahooda ku nafbexeen ka dib markii ay waayeen cid u gurmatay oo u qaada Cisbtaalada si loo daweeyo.


Sarkaal u hadlay ururka Xisbul Islaam ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho oo ahaa kii ugu cuslaa ee bilihii la soo dhaafay ka dhacay caasimadda.


Hase ahaatee afhayeenka Militeriga Dowladda ayaa beeniyey jiritaanka guulo ay gaareen kooxaha Mucaaradka, wuxuuna xusay iney ciidankoodu iska difaacay weeraro lagu soo ekeeyay.


Goobjoogayaasha ayaa ku waramaya inuu jiro qasaare kala gaaray labada dhinac ee dagaaladu ay dhexmareen, inkastoo aan si dhab ah loo heyn tirada ay iska dileen.


Dagaalada iyo duqeymaha ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa inta badan saameyn ku yeesha oo ay waxyeeladfa ugu daran ka soo gaartaa dadka rayidka ah eek u nool magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


 


MF.MB


 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009