Muqdisho, Nov,22 2009, 11:02 AM-ET,(SOMINA)- Xoogaga Alshabaab ayaa saaka si nabadgelyo ah ula wareegay Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubahada Hoose, halkaas oo fariisin u ahayd kooxda ay isku hayaan gacan ku heynta gobolka ee Xisbul Islaam, sidaa waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Alshabaab.
Warsaxaafadeed ay kooxdu soo saartay ayay ku xaqiijiyeen gacan ku dhigista magaalada Afmadow oo shalay deegaan ku yaal duleedkeeda uu dagaal xoogan ku dhexmaray labada dhinac. Ciidanka Xisbul Islaam ayaa isaga baxay Afmadoow waxaanna la ogeyn halka ay u dhaqaaqeen iyaga iyo saraakiishii hogaamineysay ee ay ka mid yihiin Sheikh Axmed Madoobe, Ibraahim Shukri iyo Sheikh Xasan Mahdi.
Awoodii ururka Xisbul islaam ee Gobolada Jubooyinka ayaa u muuqata mid sii idlaaneysa waxaana haatan ururkaas gacantooda ku haray deegaanada Dhoobleey, Kulbiyoow, Qooqaani Badhaadhe iyo deegaano yar yar oo aan istiraatiiji ahayn.
Alshabaab ayaa hormar ka sameysay dagaalo dhiig badan ku daatay oo ay la gashay kooxda kale ee Xisbul Islaam, oo ay isku haystaan cidda maamuleysa magaalada Dekedda leh ee Kismaayo oo xarun u ah Gobolka Jubada Hoose kuna taala dhanka koonfureed ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo ay soo saareen kooxda Xisbul Islaam oo ay uga hadlayaan qabshashada Alshabaab ee Afmadow.
Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Biibi oo u dhow Afmadoow ayaa waxaa ku dhintay qiyaastii 8 qof oo labada dhinac ka tirsan.
Alshabaab ayaa ugu baaqday bulshada deegaankaas iney isdejiyaan oo ay la shaqeeyaan ciidankeeda.
Ciidamada Alshabaab ayaa lagu dhex arkayay qeybaha kala duwan ee magaalada, iyaga oo fariisin ka dhigtay saldhiga ciidanka, waxaana mas’uuliyiinta horkaceysa ay wadaan wadahadalo ay la leeyihiin duqeyda deegaanka.
MB.MF