Muqdisho, Nov,20 2009, 02:30 PM-ET,(SOMINA)- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maanta shirjaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa aysan xoog ku raadi doonin midnimada Soomaaliya balse ay wadaxaajood galeyso, isaga oo cadeeyay in aysan meesha iman karin in lakala gooyo Dalka Soomaaliya.
Maamulka Soomaaliland ee ka taliya Gobolada waqooyi galbeed ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’een Soomaaliya inteeda kale oo ay yihiin Dowladda Madax banaan laakin weli ma aysan helin wax aqoonsi ah oo kaga yimid dhanka beesha caalamka.
“annaga midnimada Soomaaliya kuma raadineyno dagaal ee waxaan rabnaa inaan wadahadal ku dhameyno, mana ila ahan in qof ama gobol ay ku fakari karaan in lakala gooyo Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
“arinta ay ka sheeganayaan ee ah in la dhibaateeyay hadde dhibku dalka dhan ayuu saameeyay 20 sano bulshada ayaa hadda dhib haystaa, marka haddii awal aan la ogoleyn in dhibkaas laga wada hadlo maanta annaga ayaa diyaar u ah wadahadal inaan ka galno xalinana” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Dhanka kale, Madaxweyne Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Puntland ee Soomaaliya inuu si qaldan u fasirtay kulan labadooda ku dhexmaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Todobaadkii hore, kaas oo uu madaxweyne Faroole ku sheegay in la isku afgaran waayay oo uu natiijo xumo ku dhamaaday.
“Annaga waxaan usheegnay Madaxweynaha Maamul Goboleed Puntland inaan jecelnahay hergelinta heshiiskii Gaalkacyo aan ku galnay,qodobo kale oo uu rabay in lagu darana wey jireen, waxaana u sheegnay in wixii waafaqsan axdiga Dowladda aysan Dowladda dhexe ka soo horjeedin” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed oo ay ka muuqatay sida uu uga xun yahay shir jaraa’id oo uu Madaxweyne Faroole ku sheegay in natiijo la’aan ay ku kala tageen isaga iyo madaxweyne Shariif.
“haddii xitaa wax la isla meeldhigi waayo waxaa haboon in wixii ay qarsoonaadaan illaa labada dhinac wufuud kale ay soo dirsanayaan oo la dhameynayo, balse maaha in la shaaciyo waxaaba sii dheer in waxyaabo qaldan oo aan meesha kujirin lagu daray sida inaan ka soo horjeedno hormarka shacabka walaaleheen ah ee Puntland” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
“Dowladeyda Puntland waxay u haysatay saldhigga Dowladda, iyo in Puntland ay qaadato Dowrkii ay qaadan jirtay waagii Cabdulaahi Yuusuf(Madaxweynihii hore) uu xafiiska joogay, hormarkeeda waan ogolnahay waligeeyna Puntland hormarkeeda mooyee dib u dheceeda kama aanan lug yeelan” ayuu Madaxweynuhu yiri.
Madaxweynaha Maamulgoboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay dhowaan in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya uu ka caga jiidayo heshiis dhowaan isaga iyo reysulwasaaraha Soomaaliya ku kala saxiixdeen magaalada Galkacyo, islamarkaana haatan uu diiday shirkii ay yeesheen qodobo badan oo u badnaa hormarinta iyo mashaariic kala duwan oo Puntland laga fuliyo.
MB.MF