Baydhaba, May 03,2009, 11:22AM-ET,(SOMINA)- Dagaaladdii ahliga ahaa ee Soomaaliya ka dhacay 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa ay geysteen dhibaatooyin baahsan oo soo gaaray bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasi oo isugu jira geeri,kufsi,burbur hantiyadeed, barakac,dhac iyo waliba in qaarkood ay ku waayaan xubnaha jirkooda ugu muhiimsan oo ay la tagtay rasaasta iyo gumaca madaafiicda la isku adeegsaday silsiladdihii dagaal ee Soomaaliya ka dhacay.
Magaalada Baydhaba ee xarunta u ah Gobolka Bay waxay ka mid tahay Magaalooyinka Soomaaliya ee ay ka dhaceen dagaalada qaabaa’illaadka ku salaysnaa ee dhibaatooyinka geystay,waxaana haatan magaaladaasi ku dhaqan dad naafo ah oo colaadaasi ku waayey xubno muhiima oo jirkooda ka tirsanaa, sida Gacmaha,Lugaha, Dhegaha iyo waliba Indhaha.
Dadkani naafada ah ma ahan dad la jaan qaadi kara bulshada inteeda kale,waxaana xiligaan ay ku nool yihiin qaarkood xeryo qaxooti oo ku yaala daafaha iyo gudaha magaalada Baydhaba,waxaana ay noolashooda ku tiirsan tahay dawarsi iyo shaxaad ay Magaalada ka doontaan, maadaama aysan awood u lahayn in ay lixaadkooda ku soo dhacsadaan nolol maalmeedka maalintaasi, sidoo kalana aysan garanayn aqoon iyo xirfad ay suuqa kaga shaqeystaan.
“ Waxay isugu jiraan dhalinyaro, Hooyooyin,Caruur, iyo dad da`ah oo guud ahaantood ku naafoobay dagaaladdii sokeeye, dhibaatadoodu ma ahan mid laga sheekeyn karo, qaarkood waa ay indha la`yihiin waxna ma arkaan, wax ay cunaan ayayna rabaan, mana jirto wax hay`ad ah oo gacan qabatay dadkaasi naafada ah ee Gobolkani Bay ku nool,” sidaasi waxaa yiri Xuseen Xasan, oo gudoomiye ka ah urur ay leeyihiin dad naafada ah oo jira Magaalada Baydhaba.
Faadumo Cabdi Macalin, waa Hooyo da`ah oo indha la’ waxaana sidoo kale ay naafo ka tahay gacanta midig, faadumo waxaa ay sheegtay in ay ku indho beeshay kuna naafowday dagaaladdii Soomaaliya ka dhacay wixii ka dambeeyey sanaddii 1991-kii.
“ Nolosheena waa mid hooseysa,mana haysano cid na kaalmaysa oo waxna noogu tabarucda,annaga waxaanu nahay dad naafa ah oo aan shaqeysan Karin,” ayey ku cabatay Faadumo Cabdi.
Dr: Maxamed Cali Ibraahim, oo Dowlada dhawaan Jabuuti lagu soo dhisay ka ah wasiirka wasaarada naafada iyo dhaqancelinta maleeshiyaadka ayaa sheegey in wasaaradiisu ay ku howlan tahay qorsheyaal baxnaanin iyo daryeel loogu fidinayo dadka naafad ah laguna soo celinayo waayaha nololashoodi ay waa hore ka quusteen.
“wasaaradeydu waxaa ay wadaa qorsheyaal aan doonayno in aan wax ugu qabano dadka ka naafada ah, ee ay dhibaataadu ka soo gaartay burburkii soomaliya ka dhacay,gaar ahaan dadkii ugu dambeeyey ee waxyeeladu ka soo gaartay daggaaladdii dhacay intii ay Itoobiya dalka joogtay,” ayuu ku sheegey wareysi uu wakaalada wararka ee SOMINA siiyey Dr: Maxamed Cali Ibraahim.
Ka sokow dadkaan dhibaatooyinka daryeel la’aan iyo tan dhinaca nolosha ah ee haysata waxaa intaasi u sii dheer in aysan helin ubadkoodu waxbarasho ku filan,maadaama aysan jirin Dowlad dhexe oo taasi ka daboosha, sidoo kalana aysan bixin Karin dhaqaalaha caruurtu ay ku dhigtaan iskuulada sida gaarka ah loo leeyahay.
“ Dadka naafadda aynu diwaangalinay waxaa ay ku dhowyihiin tiradooda ilaa iyo 1000 qof oo kala daran,qaar baa sariiraha saaran oo aan joogsan Karin, qaarna dabada ayay ku socdaan, halka kuwa kalena ay indha la`yihiin, mana heystaan agabyadii loogu talagalay dadka naafadda ah, intaasi waxaa u sii dheer ma haysataan waxbarasho oo ubadkoodi guryaha ayey iska dhooban yihiin,” Ayuu yiri mar kale Xuseen Xasan, oo ah gudoomiyaha ururka naafada.
“Horta waxaa innoo qorshaysan in tillabada ugu horeysa ee aan qaadayno ay noqoto in aan tiro koob ku sameyno dadka naafada ah meel walba oo ay dalka ka joogaan,waxaana doonaynaa in aan u raadino agabkii curyaanka sida gawaaridii ay ku socon lahaayeen,iyo in aan u helno waxbarasho,” ayuu yiri Maxamed Cali Ibraahin wasiirka Naafada Dowlada Soomaaliya.
Dadka naafada ah ayaa qaarkood ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyey labaddii sano ee la soo dhaafay ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ee u dhexeeyey ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo faragaliyey iyo kooxihii kacdoonka ee ka soo horjeeday joogitaankooda dalka Soomaaliya, qaarkoodna waxaa sidoo kale ay ku lixaad beeleen qeybaha kala duwan ee hubkii ay dalka ku reebeen dagaaladdii ka dhacay sida Bombaanooyinka iyo miinooyinka dhulka lagu aaso.
Soomaaliya kama aysan jirin Dowlada dhexe oo la tacaashada dhibaatada iyo baahida ay qabaan dadka naafada ah oo kuwooda ugu nugul bulsha qeybaheeda kala duwan, tan iyo sanaddii 1991-kii xiligaasi oo jamhado isbiirsaday ay meesha ka saareen Dowlada malateriga ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Photo: (c) SOMINA
MX/MF/AM/MA