Tilaabooyinka ay qaadeen Mareykanka iyo Faransiiska ma soo afjari karaan mushkilada ka taagan biyaha Soomaaliya

Published: 13 Apr 2009

Djibouti, April 13, (SOMINA)- Burcada Soomaalida ayaa gacanta ku dhigay markab laga leeyahay Talyaaniga iyo labo markab oo iyagana ay leedahay Dowlada Masar, kuwaasi oo la geeyey xeebta Degmada Laasqorey ee Gobolka Sanaag.


Mid ka mid ah saraakiisha amaanka Soomaaliland ayaa sheegay in uu xeebta Laasqorey ku arkay sadexda markab ee laga kala leeyahay dalalka Talyaaniga iyo Maser.


“sadexda markab oo uu ku jiro markabka maraakiibta jiida ee Talyaaniga waxaa uu soo gaaray meel 16km(10 miles) u jirta degmada Laasqorey.waxaana lagu soo afduubay 16 shaqaalaha oo saarnaa,halka labada markab ee kale ee ay leedahayMaserna ay saaran yihiin 24 shaqaala, kuwaaso oo guud ahaan ku jira gacanta afduubayaasha,” sidaasi waxaa yiri Maxamed Salaax Dubeys oo ah sarkaal ka tirsan Ciidamada Soomaaliland.


Andrew Mwangura,waa sarkaal ka tirsan xaafiiska badmareenada bariga Afrika ee Saldhigiisu yahay Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya waxaana uu sheegey in ay badqabaan guud ahaan shaqaalaha saaran maraakiibta la afduubay. 


“burcadu waa  ay ogyihiin in uu xiriir ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Talyaani,”ayuu yiri Mwangura.


Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay dhacdooyin kala duwan oo si xoog ah lagu soo furtay dad iyo maraakiib afduub ay u haysteen burcaddu,kuwaasi oo ay qaadeen ciidamada bada ee Dalalka Mareykanka iyo Faransiiska,waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo in xeebaha Soomaaliya ay noqdaan meel dhiig badani uu ku daato.


Dhacdadii ugu dambeysay oo si xoog ah lagu maquuniyo kooxaha wax afduuba ayaa waxaa ay ahayd tii xalay ciidamada marinska Mareykanku ay ay qaadeen, taasi oo ay ku soo furteen kabtan Richard Phillips oo u dhashay Dalka Mareykanka oo tan iyo arbacadii hore lagu haystey dooni yar oo ah kuwa naftada lagu badbaadiyo meel ka baxsan biyaha Soomaaliya,waxaana ciidamada soo badbadiyey Philips ay dileen sadex ka mid ah burcadii afduubka u haysatay kabtanka halka mid kalana ay gacanta ku dhigeen. 


Howlgal-kani ay xalay qaadeen ciidamada Mareykan wuxuu ahaa tijaabadii ugu horreysay ee xagga ammaanka qaranka ee hor taallay madaxweyne Obama,waxaana daqiiqado kaddib markii kabtanka la soo badbaadiyey hadal kooban uu soo saaray uu ku sheegay inuu qaranka la wadaagayo farxadda iyo reynreynta, Wuxuuse intaas raaciyey inuu ka shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa burcad-badeedda aafeysay xeebaha Gacanka Cadmeed, kuwa Somalia iyo waliba kuwa aagga oo dhan iyaga oo kaashanaya saaxiibada dagaalka kula jira illaa inta laga hubinayo amaanka Gobolka.


“Faransiiska iyo Mareykanka waa ay ka shalayn doonaan dilka ay bilaabeen.anaga ma dilno,laakiin waxaan ka qaadanaa madax furasho oo kaliya.wax cad ayaa samayn doonaa markii aan aragno hal shaqsi oo ka tirsan Faransiiska iyo Mareykanka,” sidaasi waxaa ku hanjabay mid ka mid ah burcad badeeda.


Tilaabadaan  uu xalay Mareykanku qaaday  ee uu ku soo furtay ninka laga haystay kuna laayey burcaddeeda Soomaalida ayaa waxaa soo dhaweeyey Dowlada Soomaaliya iyo waliba Maamulka Putland oo ah halka la rumaysan yahay in ay ku yaalaan saldhiyada ay ka duulaan burcadu,kuwaasi oo sheegey in ay tahay sida kaliya ee lagula dagaalami karo in dowlad walba ay dadka iyo agabka laga haysto xoog kula wareegto.


Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii December u oggolaaday dalalka caalamka inay xoog ku soo furan karaan dadkooda iyo maraakiibtooda, xitaa haddii la geysto barriga Somaliya.


Waxaana howlgaladaan ay bilaabeen Mareykanka iyo Faransiiska ee ay ku soo furteen muwaadiniintooda laga haystay ay tusaale u tahay dowladaha iska leh ku dhawaad 21 Markab iyo shaqaalihii saarnaa  oo lagu haysto xeebaha Soomaaliya. 



Abdilahi mohamed nour





 


 


 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009