Maxaa keenay hoos u dhaca ku yimid qiimaha raashiinka iyo sarifka lacagaha qalaad ee magaalada baydhabo?.

Published: 07 Mar 2009

Baydhabo, mar,07(SOMINA)- Suuqayada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn looga dareemay hoos u dhac ku yimid ascaarta kala duwan ee quuturl-daruuriga ah iyo sarifka lacagaha qalaad,waxaana arintani si weyn u soo dhaweeyay dadka danyarta ah iyo kuwa muruqmaalkaba.


Sumayo Xasan waxa ay ka mid tahay shacabka reer Baydhabo waxa ay iiga xog warantay dhibaatadii ay ku qabeen qiimaha ascaarta oo ahaa mid ay awoodi kari weysnaayeen, hase ahaatee waxay dareen farxadeed ka muujisay qiima dhaca ku yimid raashiinka.


“ Haa runtii arintaan si weyn ayay inoo farxad galinaysaa, sababtoo ah waxaa dhici jirtay bilihii la soo dhaafay in lagacaha aanu heysano ay ku filnaan waayaan qiimaha xilligaasi la kala siisanayay raashinka” ayay tiri Sumayo Xasan mar aan kula kulmay gudaha suuqa Baydhabo.


Ganacsatada magaalada ayaa laf ahaantooda ka hadlay sababaha hoos u dhaca qiimaha raashiinka,sababta ay ku sheegeen kuwa amaan iyo canshuurtii laga qaadi jiray ganacsatada oo la joojiyay.


“waxa keenay hoos u dhaca badeecaddeena waxa ay tahay sida aad la socotiin waxaa ay Xoogaga Al-shabaab qaadeen isbaarooyin badan oo lacago baad ah naloogaga qaadan jiray, sidoo kalena maamulka Islaamiga ee Shabaabku waxa ay joojiyeen canshuurtii hore ee ay naga qaadi jireen maamulkii hore ee gobolka, marka anagana sidaas ayaan ku yareynay qiimihii aan hore badeecadeena u siin jirnay” sidaas waxaa sheegay Ganacsade Cali Xassan.


Ganacsadahan ayaa sheegay in isbadalkani yahay mid rajjo geliyay ganacsatada oo ay doonayaan inay ganacsigooda hormariyaan.


Isagoo intaasi ku daray in maalin walba Baydhabo ay soo gaaraan gawaarida xamuulka sida ee ka imaanay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo bilihii la soo dhaafay baqdin ka qabay dhibaatooyin ka soo gaari kara kooxo hubeysan oo jid gooyooyin dhigtay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, balse iminka ay ka saareen xoogaga Al-shabaab.


Daba-yaaqadii sanadii tagtay iyo horaantii sanadkan ayaa waxaa si weyn suuqyada Gobolka Bay gaar ahaan kan magaalada Baydhabo laga dareemayay sare u kac baahsan oo ku aadan qiimaha raashinka iyo sarifka lacagaha qalaad,waxaana taasi ay saameyn xoogan ku abuurtay dadweynaha danyarta ah.


Abdalla Mohamed Nur


 


 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009