NUSOJ oo walaac ka muujisay xad gudubyada ka dhanka ah warbahinta Somaliland.

Published: 28 Feb 2009

Hargeysa, Feb 28, (SOMINA)-ururka saxafiyiinta qaranka soomaaliyeed  (NUSOJ) ayaa maanta cambaareeyay xarigga loo gaystay weriye caan ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Guuleed (Curad) kaasoo Bileyska Somaliland ay ku xireen magaalada Hargeysa ee xarunta jamhuuriyadda Somaliland. 


Maxamed Cabdi Guuleed oo tifaftire guud ka ah wargeys lagu magacaabo YOOL oo ah todobaadle madax banaan ayaa la xirey maalintii khamiista ahayd ee ay bisha Febraayo ku beegnayd 26,iyadoo lagu xirey xarunta dembi baarista (CID). 


Sida laga soo xigtey saxafiyiinta soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Hargeysa, Maxmed Cabdi waxaa loo xirey sababo la xiriira maqaal lagu daabacay wargeyska bishii Febraayo 24-keeda kaasoo ka hadlayay xog la xiriirta dil la qorhseeynayay in loo gaysto masuuliyiinta Somaliland.  


Wargeyska wuxuu qorey in  qorshahaasi ay wadeen kooxo ka tirsan xisbiyada siyaasaded ee dalka, xubnaha baarlamaanka iyo odayaal dhaqameedyo. 


“Xariga Maxamed Cabdi Guuleed wuxuu astaan muuqata u yahay hanjabaadaha maamulka Somaliland loogu gaysto weriyeyaasha sidaa daraadeed si weyn ayaanu u cambaareynaynaa falkaasi sharci darada ah ee lagu xirey Maxamed Cabdi,waxaanuna ka dalbanaynaa madaxda Somaliland inay si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan” sidaa waxaa yiri Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah xoghayaha guud ee ururka NUSOJ. 


“Sharciga saxaafadda Somaliland wuxuu is hortaagayaa in saraakiishu ay iska xiraan weriyeyaasha,iyagoon haysan amar maxkamadeed; sidaa daraadeed xarigan wuxuu liddi ku yahay sharciga saraakiishuna waa inay tixgeliyaan qawaaniinta xitaa xiliyada ay jiraan shaqaaqadaha siyaasadeed”. 


“Weriyeyaal door ah ayaa la bartilmaameedsaday iyagoo loo geystay weeraro afka ah,waxaa loo gaystay sumcad dil sidoo kalana la xirey mudo kooban qarkood kadib markii lagu eedeeyay inay u janjeeraan dhinacyada siyaasadeed qaarkood. “si ay doorashooyinku u noqdaan kuwo xor ah oo wanaagsan, xisbiyada siyaasadeed waa inayjoojiyaan dhamaanba xadgudubyada iyo faro gelint ka dhanka ah warbaahinta” sidaa waxaa shaaca ka qaadey Cumar Faaruuq. 


Saxafiyiinta Hargeysa jooga ayaa sheegay in xarigga Maxamed Cabdi oo dhacay dabayaaqada todobaadkii tegey looga gol lahaa in lagu cabsi geliyo warbaahinta maadaama ay tahay in xabsiga lagu hayo weriyahaasi oo aan kiiskiisa la eegin maalmaha dabayaaqada todobaadka ah ee Khamiista iyo jimcaha. 


Tebinta wararka ololaha dorashooyinka  ee saxaafadda Somaliland ayaa ahayd mid aan wanaagsanayn oo aan dheeli tirnayn. Idaacadda Hargeysa oo ay gacanta ku hayaan xisbiga talada haya ee UDUB ayaa loo maleynayaa inay si weyn ugu xaglinayaan warbaahinta. 


NUSOJ waxay ugu baaqaysaa sedexda xisbi ee siyaasadda Somaliland UDUB, KULMIYE , UCID iyo musharaxiintooda madaxnimada inaysan cago jugleyn iyo qalalaase u adeegsan weriyeyaasha iyo warbaahinta xiliga ay socdaan doorashooyinka. “Xadgudub loo gaysto warbaahinta waxay ka dhigantahay in xumaan ay jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cumar Faaruuq. 


M/A

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009