Djibouti, Feb 25,(SOMINA)-Shariif Shiikh Axmed waxaa uu dhashay 25 bishii July , 1964 ,waxaana uu ku dhashay gobolka shabeellada dhexe degmada mahadday,waxaa waxbarashadiisa aasaasiga ah ku soo bartey dalalka Libiya iyo Sudan kuwaasi oo ka soo qaatey shihaadooyin jaamacadeed, waxaana sidoo kale uu leeyahay waxbarasho diimeed.
waxaa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaali,Arabic iyo waliba English,kadib waxaa uu noqday barre iskuul sare ka dhiga luuqada Arabic-ga iyo maadada geography-ga.
Ugu horeyn waxaa gobolka shabeellada dhexe magaalada Jowhar looga magacaabay maxkamad ay dhisteen dadka deegaanka uu ka dhashay,waxaana mudo kadib ay isku dhaceen hogaamiye kooxeedkii Max’ed cumar xabeeb {M-dheere} oo xiligaasi ka talinayey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe.
Shariif Shiikh Axmed ayaa xiligaasi kadib gacanta ku qabtey mid ka mid ah maxkamadyo beeleedyaddii yar yaraa ee ka jirey magaalada Muqdisho,isagoona xiligaasi kadib la midoobay rag sare oo ay ka mid yihiin Xasan Daahir Ugeys oo ka mid ah aasaasayashii ugu waaweynaa ee maxkamadahii shareecada islaamka,Aaden Xaashi ceyrow oo ay xukuumada washiton ku eedeysay in uu xariir la lahaa wax ay ugu yeerto argagixisada laguna dilay ugu dambeyn magaalada guracel ee gobolka Galgaduud.
Shariif Shiikh Axmed waxaa sanadii 2006 loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyihii golaha fulinta ee maxkamada islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayey qeybo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya intii aysan ku wiiqmin dagaal ay la galeen ciidamada Ethiopia oo xiligaasi garab siinayey dowladii tabarta yareyd ee la midoobay mucaaradkii Shariif Shiikh Axmed uu hogaaminayey.
Shariif iyo xubno ka mid ah ragii la hayey talada maxkamadaha shareecada islaamka waxaa ay si dhuumayleysi ah ku galaan dhulka howdka ah ee ku yala xuduudka kala qeybisa Kenya iyo Soomaliya,kadibna waxaa gacanta ku dhigey ciidamada dowlada Kenya,walow markii dambe la siidaayey ayna galen isaga iyo xubnihii wehliyey magaalada Casmara ee dalka Eritrea oo ay kaga mid noqdeen aas-aasayaashii ururka la magac-baxay isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliya ugu dambeynta ShariiF Shiikh Axmed loogu doortey in uu ka noqdo gudoomiye.
Shariif Shiikh Axmed waxaa haatan jabuuti baarlamanka la mideeyey ay ugu doorteen in uu noqdo madaxweynaha soomaaliya labada sano ee soo socota.Waxaana horyaala dowlada uu hogaanka u qabtey shariif sheikh Axmed caqabado dhowra oo ay ugu horeyso kasbada kalsoonida raggii ay maxkamadaha kala tirsanaa ee haatan kala qeybsan kana soo horjeeda nidaamka isaga lagu soo doortey.
W/D,Abdalla Mohamed Nur
Abdilahi mohamed nour