Madaxweyne Shariif ma hanan doonaa nabaddii uu gaari waayay C,lahi Yuusuf?, (Faallo)

Published: 24 Feb 2009

Muqdisho,Feb 10,(SOMINA)-Kulamo is daba joog ah ayaa ka soconaya xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya, kuwaasoo dhexmaraya Madaxweynaha dhowaantan Soomaliya loo caleemo saarey ee Shariif Shiikh Axmed oo isagu hogaaminayay kacdoonkii Islaamiga ahaa ee sida aan kala harka lahayn uga hano qaadey bartamaha iyo koonfurta Dalka Soomaaliya sanadkii 2006-dii kaasoo markii dambe ay daciifiyeen ciidamadii Itoobiya ee gacan siinayay dowladda federaalka Soomaliya oo uu xiligaasi hogaanka u hayay Col: Cabdulaahi Yuusuf Axmed


kadib dagaalo faraha looga gubtay oo labada dhinac ku dhex maray deegaanada Iidaale iyo Deynuunaay oo labaduba ka tirsan Gobolka Bay oo xiligasi saldhig u ahaa Dowladda KMG ah halkaasoo ay ku sii siqayeen ciidamadii Jihaadiyiinta ahaa ee Midowgii Maxaakiimta Islaamka.


Shariikh Shiikh Axmed oo soo gaarey magaalada muqdisho todobaad kadib markii loo dhaariyay jagada Madaxweyne-nimo ee Soomaliya ayaa wuxuu saxaafada ugu sheegay gegidda dayaaradaha ee Adan Cadde in ula jeedada socdaalkiisu ay u weyntahay sidii uu kulamo iyo wada tashiyo ula yeelan lahaa hogaanka muqaawamada gudaha, kuwaasoo qaarkood si weyn uga hor yimid qorsha nabadeedka Shariif uu horboodayay ee lagu hirgeliyay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti,wuxuuna sheegay in ay doonayaan la


kulanka qeybaha kala gedisan ee bulshada.


Masuuliyiin sare oo katirsan ragga mucaaradsan siyaasadaha Shariif kuna tilmaamay dowladiisa in aysan waxba ka duwanayn tii Cabdulaahi Yuusuf ayaa markiiba saxaafadda la hadlay si ay u muujiyaan halka ay ka taaganyihiin dowladda baarlamaankeeda la balaariyay ee uu madaxweyne Shariif Shiikh Axmed uu hogaaminayo, Dr:Cumar Iimaan Abu Bakar oo ka mid ahaa saraakiishii maxkamadihii Islaamiga haatana madax u ah Jamhada Islaamiya oo dhawaan is biirsaday sheegteyna in ay yihiin xisbi Islaamiya kana soo horjeeda dowlada cusub iyo joogitaanka Ciidamada shisheeye ee Dalka Soomaaliya ayaa isla maalintii uu muqdisho ka soo degay Shariif Shiikh isna shaaciyay mowqifka xubnaha ku bahoobay xisbi Islaami ah,Dr:Cumar Iimaan wuxuu sheegay in aysan marnaba aqbali doonin Dowladda Shiikh Shariif islamarkaana dagaalka ay sii wadi doonaan.


In kastoo Madaxweyne Shariif teegaro aan la dhayalsan Karin uu ku leeyahay gudaha Dalka iyo dibadaba hadana waxaa markiiba ka dhacday Magaalada Muqdisho arin Dadka ku ahayd nabar la filanayay kadib markii dhowr iyo toban madfac lagu weeraray xarunta Madaxtooyada, inkastoo saraakiishii halkaasi joogtay ay sheegeen inaanay ku dhicin dhismaha Madaxtooyada islamarkaana aysan jirin wax qasaare ah oo ay gaysteen oo la soo weriyay.


Ma jirin wax jawaabo ah oo laga soo ridey dhinaca Madaxtooyada taasoo dad faro badan maskaxdooda gelisay in isbedel haba yaraadee uu jiro waxaase dadka siyaasadda lafa gura ay tibaaxayaan in taasi ay yareynayso cabsida laga qabay in mar kale ay dhacaan qasaarooyin baaxad leh oo ay gaystaan madaafiic la is weydaarsado oo sida caadadu ahayd ay ku dhiman jireen dad maras ah oo howl maalmeedkooda dhacsanaya.


Kulamada ka soconaya Madaxtooyada ee Shariif uu la yeelanayo qeybaha kala gedisan ee Muqaawamada, Culimada suluxa iyo Odayaasha beelaha Hawiye ayaa waxay uga hadleen arimaha nabadgelyada iyo sidii kooxaha diidan Dowladda looga dhaadhicin lahaa inay wax la qaybsadaan maamulka cusub, balse waxaa ka maqan qorshahan oo si ba’an u diidan Madaxweynaha dagaalyahanada Shabaabka oo kaalin weyn ku leh arimaha siyaasadda Dalka xiligan islamarkaana gacanta ku haya qeybo balaaran oo muhiim u ah cidda maamulaysa Somaliya.  


Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay goobahaasi ay maamulaan Shabaab kuwaasi oo lagu diidanyahay dowladda Shariif Shiikh Axmed oo haatan ku guda jira xulidda ninka la daadihin doona arimaha siyaasadeed ee soomaaliya xiligan adag.


Culumida Suluxa ayaa ku baaqaya in la raaco Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed oo la sheegay inuu ugu yeerayo kooxaha diidan siyaasadiisa inay ka doodaan waxyaabaha ay isku diidanyihiin islamarkaana dib loogu laabto Kitaabka quraanka iyo Sunada rasuulka nabadgelyo korkiisa ha ahaatee iyadoo qodobka ku saabsan in dagaalka la siiwado ay ka doorbidayaan in la joojiyo, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ah culumaa’udiinkaasi ayaa ka hadlay kulamadan wuxuuna sheegay in aysan aqbali doonin dadka Soomaliyeed dagaal hor leh oo dadka soomaaliyeed xiligan loo iclaamiyo.


Dad badan ayaa isweydiinaya halka uu xaal ku dambeyn doono iyo sida ay isugu soo dhowaan karaan Ururka Al-Shabaab oo mowqifkiisu yahay in dagaal lala galo ciidamo kastaa oo shisheeye iyo xukuumad walba oo taageerta  iyo Dowladda Shariif Shiikh Axmed uu hogaamiyo oo ay ku midaysanyihiin xubnaha baarlamaankii TFG-da, Isbahaysiga dib u xoreynta garabkii Jabuuti iyo ururrada bulshada rayidka ah. 


Waxyaabaha ay adagtahay in si sahal ah la isugu soo dhowaado ayaa waxaa kamid ah ciidamada Shisheeye ee ilaalinaya dowladda KMG ah iyo beesha caalamka oo diidan kooxda Al-shabaab kadib markii ay ku tilmaameen koox xag jir ah.


Maalmahan ayaa waxaa soo ifbaxayay warar la isla dhexmarayay oo tilmaamay in kulamada uu Madaxweyne Shariif la yeelanayo qeybahaasi kala gedisan ay barbar socdaan wadahadalo uu la qaadanayo rag sare oo ka tirsan xarakada Shabaabka,balse wararkaasi waxaa si kulul u beeniyay afhayeenka xarakada Al Shabaabka Shiikh Mukhtaar Roobow  Abu-Mansuur oo mar aanu la xiriirnay sheegay in aysan haba yaraatee waxba ka jirin wararkaasi.


Arintu si kastoo loo dhigo waxaa is weydiin badani ay ka taagan tahay Shiikh Shariif maku guuleysan doonaa wixii uu ku guuldaresytay Cabdulaahi Yuusuf mise Soomaaliya waxay sii geli doontaa marxalad kale oo ay dhibaato hor leh ka soo wajahdo shacabka Soomaaliyeed oo mudo ku dhow 20 sano la daalaa dhacayay dagaalo sokeeye. 


W/D: Mustafa Xaaji Cabdi Nuur


Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009