Xildhibaanad faadumo”500 kale baarlamaanka ku dara diyaar baan u nahay haddii nabad lagu helayo”.

Published: 24 Feb 2009

Jabuuti,(SOMINA)Wakaaladda wararka ee Soomaaliyeed (SOMINA) ayaa wareysi dhinacyo kala duwan leh waxa ay la yeelatay xildhibaanad Faadumo Cabdulaahi Maxamuud "Insaaniya" oo ka mid ah mudanayaasha ku cusub Baarlamaanka ee Dhowaan la dhaariyay.


Wareysigaan oo lagu qabtay magaalada Djibouti ayaa waxaa qaaday wariyaha wakaaladda wararka SOMINA Maxamed Faarax Talyaani wuxuuna u dhacay sidaan:- 


SOMINA: Marwo Faadumo Cabdulaahi waxaad ka mid noqotey baarlamaanka cusub ee dowlada lagu yagleelay dalka Jabuuti muxu yahay dareenkaagu?


Faadumo: marka ugu horeysa waxaan u hamabalyeynayaa Saxaafada oo aad runtii u shaqeeyey intii uu wadanku burbursanaa oo bulshada u soo bandhigey hadba wadciga wadanka ka jira waan ay hambalyeysan yihiin waa dad runti si qurux badan u shaqeeyey.


Tan labaad waxaan jeclahay in aan u hambalyeeyo  in uu madax ka noqdo qof Soomaaliyeed lagu magacaabo Cumar Faruq, ka sokow Suxufiyiinta Soomaalida in uu madax u noqdo Geeska Afrika Suxufiyiinteeda,hadana uu u sii noqdo Afrika, Runtii iyada oo aan dowlad jirin in Suxufiyiinta Soomaalida ay madax u noqdaan kuwa Afrika waa wax sharaf u ah guud ahaan Soomaalida.


Su'aasha hadaan dib ugu soo noqdo waxaa jirtaa in xildhibaanada cusub ay jiraan Namberkuna dadku ay leeyihiin waa uu badan yahay waan garan karnaa taasi hase yeeshee wax walba oo dib u heshiisiin iyo nabada lagu gaari karo waxay illa tahay in aan iska oogalaano oo aan ku daadaalno sidii wadankeenu dib u ugu soo noqon lahaa, haddii hada nala yiraahdo 500 kale ku dara diyaar ayaan u nahay si nabadi ku timaado howsha na hortaalana aad ayey u baaxad


weyn tahay.


SOMINA: Baarlamaanka wada jirka ah meelo kala duwan ayey ka kala yimaadeen siiba dhinaca TFG-dii iyo dhinaca ARS-tii marka adiga dhinacee ayaad ka soo gashay baarlamaanka?


Faadumo: Aniga waxaan ka soo galay isbaheysiga ARS-ta oo aan ka mid ahaa.


SOMAINA: marka ma hore ayaad uga mid ahayd ARS-ta lagu dhisay dalka Eretria


mise dib ayaad uga soo biirtay?


Faadumo: Aniga dib ayaan uga soo biiray Asmara ma aan tagin hase ahaatee fikirkii lagu dhisay aad ayaan u aaminsanaa gaar ahaa dhinaca Isbahaysiga ee Jabuuti dadaalkooda nabadda ay ku raadinayaan.


SOMINA: Maxay kula tahay talaabada ugu horeysa ee la qaadi karo mar haddii la doortay madaxweynihii dalka?.


Faadumo: Talaabada ugu horeysa waxay tahay oo dowladda ay tahay inay qaado in wadanka nabadisia la raadiyo lana sii wado dib u heshiisiinta waa in Guruub kasta oo Soomaali ah in miiska la soo fariisiyo si hal aragti loo wada qaato maadaama ay walaalaheen yihiin waana in kolka hore la dhisaa dowladdii sida in la magacaabo Ra’isalwasaarihii iyo golihiisa wasiirada maxaa yeelay dalkii waa na sugaa mana ahan inaan fursad dhumino waana inaan tagno gudihii dalka.


SOMINA: Aragti ahaan maadaama aad ka mid tahay xubnaha baarlmaanka ma aaminsan tahay in dibedda laga soo xulay xubnaha wasiirada?


Faadumo: Runtii wax kasta ay noqoto ama gudo ha noqoto ama dibed ha noqotee aniga waxaan qabaa inay noqoto dowlad tayo leh in la dhiso maxaa yeelay dowlad aan tayo lahayn horaan u soo aragnay waxa ay qaban karto malahan qofku waa inuu qibrad leeyahay oo tacliin leeyahay oo uu wax qaban karo marka waxay ila tahay waxyaabaha dibed ka soo qaad ama gudo ka soo qaad waxaa ka weyn dowlad taya leh in la sameeyo


SOMINA:Maxay kula tahay in lagu qancin karo kooxaha mucaaardka ah gaar ahaan kuwa Asmara jooga iyo Al-shabaab oo aad la socotto inay todobaadkii hore la wareegeen gacan ku heynta xarunta Baarlamaanka Baydhabo?.


Faadumo: Runta marka loo hadlo waa dad Soomaali ah waxa ay tahay in la wada hadlo oo la wada fariisto aniga taas ayaan qabaa ma ahan in qofna la faquuqo hadii miiska la wada fariistana waxaan qabaa in la wada gaari karo isfaham iyo danta wadanka oo la wada gaaro.


SOMINA: Waxaa jirta cabasho ka imanaysay xulidda baarlamaanka ee dhanka haweenka marka hadda qayb intee ah ayay dumarku ka heleen xubnaha Baarlamaanka?.


Faadumo: Runtii hadda uma horeysa waxaa jirta dowladihii hore ay dumarku dulmanaayeen kooto waxaa jirta aan ku dadaalnay berigii shirka Nairobi oo laba iyo toban boqolkiiba naloo ogolaaday lafteedii ayaananba aan nala siin hadana tiradii halkan lagu soo xulay ay ka sii yaryihiin runtii arintaas waxa ay tahay in dib loogu noqdo gabdhaha Soomaliyeed marnaba ma


ogolaanayaan in aan la siin xaqoodii waxaa la ogyahay dalku intuu burbursanaa in dadka dhibka soo gaaray ay haweenka yihiin dadka waxgargaaraan ay iyaga yihiin marka hadda waxaa dhiman tii bulshada rayidka oo aan weli la xulin marka waxaan rajaynaynaa in lambar fiican aan ka helno


inta naga dhimanna hade baarlamaanka marka wadankii loo noqdo weli waa u taaganahay oo ma aanan ilaawin xaqiinii.


SOMINA: Marka laga tago qabashada kursi baarlamaan ama mid kale dalkii dowlad baa loo dhisay dib u dhis ayaana loo baahan yahay iyo dib u heshiisiin kaalintee ayaad taa ka qaadan karaysaan?.


Faadumo: Dumarku waa dad firfircoon intii dhibaatada jirtana runtii aad waaya arag u sii noqday marka meel walba oo dowladda ah ama dib u heshiisiinta ah waa ay ka qayb gali karaan dumark lafteena waxaan soo xulan doonaa dad taya leh oo waxqaban kara oo matali kara wadanka oo dhan waxaana rajaynaa dowladda cusub ee la soo dhisi doono inay taa fiiro gaar ah u yeelato oo aysan la mid noqon dowladihii hore taa ayaana rajaynaayaa.


SOMINA: Dumar badan oo waxaa jira aaminsan inaysan ka qaybgali Karin talada dalka dhan walba oo ay noqoto marka fikirkaas haweenka aaminsan maxay tahay talada aad u jeedin lahayd?.


Faadumo: Waxaan oran lahaa walaalaheey inaysan ka liidan ragga maxaa yeelay waxa ay leeyihiin mutacalimiin wey leeyihiin dad wadani ah iyo kuwo dib u dhiska ka qaybgali kara marka maskaxda yaysan waligood gelin inaysan wax qaban karin aniga ma aaminsani inay haween badan yihiin dadka fakarkaas qaba laakiin inyar baa suurowda in fakarkaas laga dhaadhiciyay marka waxaan leeyahay awood waa leenahay waxgarad waa leenahay aqoon waa leenahay sida


raggu u leeyihiinba aqoon iyo waxgaradba waa u leenahay  marka waa in aad niyadiina dhisataan kana qaybgashaan dib u dhiska iyo nabadeynta dalkiina wad ogtihiin wanaaga ay sameeyaan NGO-yada dumarku leeyihiin marka ogaada inaad tihiin dadkii dhibta markey jirta dalka u istaagay hadana u istaagi kara dib u dhiskiisa.


SOMINA: Ugu danbayn maxay tahay talada aad siin lahayd madaxweynaha cusub ee Soomaaliyeed iyo shacbigaba?.


Faadumo: Waxaan kula dardaarmayaa madaxweynaheena cusub ee aan dooranay inuu ka duwanaado dadkii hore ee wadanka hugaaminahayay waxaan kula dardaarmayaa inuu shacabka tuso daacad Ilaaheey ka baqqo wixii shacabka dhibaya uu ka leexiyo wixii wanaagooda ahna uu tusiyo.
Shacbiga Soomaaliyeedna waxaan kula dardaarmayaa dowlad la’aan dhibaatadeeda waa soo aragnay dowlad xumana dhibaatadeeda waa soo aragnay marka waxaan kula dardaarmayaa dowladaan hadda kla dhisay iany siiyaan jaanis oo ay la shaqeeyaan Insha Alaah hadii ay dowladda iyo shacabku isla shaqeeyaan wax naga halaabaya ma jiraan meel walba oo aan joogana waxa aan rabno waa nabad marka Ilaaheey waxaan ka baryaa inaan aragno wadan deggan oo nabad ah markasta waa dhici kartaa in mucaarad jiro oo waa dimuquraadiyad hase


yeeshee in dalka burburkii laga daayo wadani la noqdo in wax walba dalkaaga dantiisa ay kaaga horeysa ee aadan dantaada fiirsan.


 


SOMINA Online, DJibouti


Abdilahi mohamed nour


 




 

Warar
Xisbiga Midnimada jamhuuriga oo canbaareeyey duqeymaha ay ciidamada Midowga Africa u geysanayaan Magaalada Muqdisho .‏ 29 Jul 2010
Sheekh Aadan Madoobe oo hir jaraa,id ku qabtey Muqdisho. 22 Apr 2010
Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca oo dib ula wareegay gacan ku heynta degmada Matabaa. 06 Apr 2010
Shabaabka oo Maanta Idaacadaha Muqdisho saacado la wareegaya. 05 Apr 2010
Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo sheegay in wixii sannadkan ka dambeeya la dhisayo axsaab ku tartama talada Dalka 01 Mar 2010
Aas Qarameed oo Manta Muqdisho loogu Sameeyey Saleeemaan Colaad Rooble 19 Feb 2010
Ra'iila oo Sheegay in Howlgalada Nairobi aan lagu raadsaneynin Soomaalida oo kaliyah. 27 Jan 2010
Mudaharaad rabshado wata oo ka dhacay Masjidka Jamia ee Magaalada Nairobi 16 Jan 2010
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaallada ka socda Baladweyne. 14 Jan 2010
Sheekh Axmed Madoobe oo la Sheegey in uu ku biirey Ahlu Sunna 12 Jan 2010
Dagaal Xoogan oo ka Soconaya Beledweyne 11 Jan 2010
Doon Dab ku Qabsadey Dekadda Boosaaso. 10 Jan 2010
Ciidamada AMISOM oo loo kordhiyay waqtiga ay joogayaan Soomaaliya. 09 Jan 2010
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 07 Jan 2010
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 07 Jan 2010
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 07 Jan 2010
test 07 Jan 2010
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaalada Gaalkacyo. 24 Dec 2009
Qarama Midobe oo cunaqabateyn saartay Eretria. 23 Dec 2009
12 ruux oo ku geeriyootay madaafiic la isku weydaarsaday Muqdisho. 20 Dec 2009
Qasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay dab ka kacay Muqdisho. 19 Dec 2009
68 wariye oo sanadkan lagu dilay caalamka. 17 Dec 2009
Xukun dil ah oo lagu riday askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya. 30 Nov 2009
Alshabaab oo qabsatay magaalo u dhow xadka Kenya. 29 Nov 2009