Muqdisho,11 Feb, 2009 (SOMINA)- Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaliyeed ee NUSOJ oo walaac ka muujiyay handadaadda iyo cadaadiska isa soo taraya ee lagu hayo warbaahinta koonfurta Soomaaliya.
Ururka saxaafiyiinta qaranka Soomaliyee ee (NUSOJ) wuxuu si qotadheer uga welwelsanyahay falalka dhiilada xambaarsan ee Madaxda koonfurta soomaliya ay ku xanibayaan howsha saxafiyiinta iyo idaacadaha si ay ugu fushadaan qorsheyaashooda siyaasadeed iyo kuwooda milateri. Gobolka Gedo, mamulka Islaamiga ah waxay ka horjoogsadeen weriyeyaasha inay gobolka ku adeegsadaan kaamiradaha Video-ga iyo kuwa digitalka ah,iyagoo ugu goodiyey inay ciqaab dil ah ku muteysan doonaan hadii ay jebiyaan amaradan.
Saxaafadda gobolka ayaa sidoo kale laga joojiyay inay sheegaan Soomaliya inay dowladi ka jirto ama ay adeegsadaan erayga ah “dowladda Soomaliya”.
Siyaasiyiin hubeysan oo liddi ku ah madaxweynaha cusub ee Shariif Sheekh Axmed iyo dowladda uu hogaamiyo ayaa waxay hanjabaad ku hayeen weriyaasha si baahsan u tebinayay wadahadalada nabadda iyo imaatinka madaxweyanaha cusub ee Muqdisho iyadoona siyaasiyiintan ay ka dhaadhicinayaan saxafiyiinta inay si lamid sidii dowladdii TFG-da uga hadlaan dowladda cusub. Laakiin saxafiyiinta ayaa ku adkaystay inay buunbuunin karin shaqsiyaad mujtamaca dhexdiisa aan laga aqoon kuwasoo qodobo muhiim ah oo ummada anfacaya aan ka hadlaynin.
Idaacadda Madaxa-banaan ee Radio Markabley oo ah idaacadda keliya ee ka howlgasha gobolka Gedo ayaan weli si xor ah u howlgelin sida ay doonayaan ragga Maamula iyo Weriyeyaasha ka howlgala, taasoo u sabab ah faragelin ay ku hayaan iyo xanibaadyo uga imaanaya Maamulka gobolka.
Waalidiinta saxafyiinta haweenka ah ee ka howlgala Magaalada Baardheere ayaa lagula taliyay inay ka joojiyaan gabdhahooda Idaacadaha oo aanay ka hadlin.
Ururka Al-Shabaab ee ka taliya Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale ku soo rogey Weriyeyaasha Magaladaasi qawaaniin adag oo ay tahay inay raacaan. Madaxa qeybta warfaafinta maamulka Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali iyo ku xigeenkiisa Cabdifataax Maxamed Cali ayaa ku amray weriyeyaasha dhowaantan in la xiri doono ciddii tebisa warar aan xafiiskooda ka warheyn, iyo in laga musaafurin doono gobolka iyadoona idaacadda saxafaigaasi u shaqaynayo ama saxafiyaddaasi laga mamnuucayo inay gobolka ka howlgasho.
Niyad jab haysta Weriyeyaasha aawadeed, qaar ka tirsan saxafiyiintii Magaaladaaasi Kismaayo ayaa ku biirey howlwadeenada dhinaca warfaafinta ee ururka Al-Shabaab, iyadoo taana ay uga gol leeyihiin si ay u badbaadiyaan naftooda iyo qoyskooda.
"Falalkan cadaadiska ah, cabsigelinta iyo farogelinta waxay ka hor joogsanaysaa Warbaahintu inay tebiyaan sheekooyin muhiim ah, mana jirto urur ama maamul ku qanacsanaanaya in daaha laga rogo xaqiiqda jirta” sidaa waxaa yiri xoghaya guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.
"Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay si deg deg ah u agaasinto cid lagala xisaabtamo masuuliyadaasi iyo inay soo celiso sharcigii iyo kala dambeyntii dalka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cumar Faaruuq. “Waxaanu ka dalbanaynaa TFG-da inay u caddeyso ciidamdeeda qalaba ka sida in la hirgelinayo qawaaniinta Asluubta (Discipline) islamarkaana cadaaladda la hor keenayo kuwa ku xad gudba xuquuqda Warbaahinta.
Abdalla Mohamed Nur