Djibouti, 8 Feb, 2009 (Somina)- Mashruuca SOMINA waa natiijo ka dhalatay wadahadalo ay yeesheen Hay’adda Suxufiyiinta aan xuduudda lahan ee (RSF) iyo Ururka ay jaalka yihiin ee ay leeyihiin Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ).
Soomaaliya waa wadan aanay xukuumad xasiloon ka jirin tan iyo 1991-dii, waana Dalka loogu dilista badan yahay Suxufiyiinta ee Qaaradda Africa, waxayna ku sii siqaysaa Somaaliya Meel mugdi ah.
Soomaliya oo ay ka jirto Warbaahin xor ah ayaa hadana waxaa si joogto ah loo bartilmaameedsadaa Weriyeyaasha, iyadoo loo adeegsado kooxo lacago ku qaata dhibaataynta iyo dilka Saxafiyiinta, waxaa sidoo kale marnaba jeclayn Saxafiyiinta kuwa hadba ay taladu ka go’do ee maamulka Dalka.
Saxafiyiin faro badan oo intooda badani ay ka tirsanayeen Idaacadaha Madaxa-banaan ee Dalka Soomaaliya ayaa lagu qasbay inay Dalka ka cararaan, iyadoo tiro kamid ahi ay ku nool yihiin dalka Jabuuti.
Weriyaashan oo ah kuwo khibrad u leh howshooda ayaa hadana ah kuwo aan helin wax shaqo ah,waxayna ku tiirsanyihiin kaalmo ay ka helaan Ururo dhowr ah oo aan dowli ahayn,iyagoo weliba u heelan marwalba inay dib u howlgalaan.
Mashruuca SOMINA wuxuu ka jaawabayaa baahidan labo jibaarka ah:-
-In bulshada la isku keeno islamarkaana Saxafiyiinta khibradda leh dib loo howl geliyo oo ay ka shaqeeyaan goobta ay magangalyada ku joogaan.
- In la abuuro Wakaalad Madax-banaan oo tebisa mid ka mid ah Wadan qalalaasaha ugu adag ee dunida ka jira qarnigan, iyadoo xogta ay Soomaaliga ku bixiso wakaaladani ay ka faa’idaystaan Warbaahinta gudaha ka jirta,halka Warbaahinta Caalamiga ahina ay ka faa’ideysato Xogta ay ku bixiso Luqadda Ingiriisiga.
Sanadka ugu horeeya ee jiritaanka Mashruuca SOMINA waxaa maalgelinaya Xarunta Xorriyadda Warbaahinta ee Dooxa, (Doha Center For edia Freedom).
MN/AM